Home Wararka Maanta Hooyo Caruur ay Dhashay Ku Gowracday Muqdisho

Hooyo Caruur ay Dhashay Ku Gowracday Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kadib hooyo ay ku gowracday wiil iyo gabar ay dhashay, kuwaas oo maanta lagu aasay degmadaasi.

Carruurta ayaa da’ahaan kala ahaa 4 jir iyo 3 jir, sida ay sheegeen ehelllada iyo dadkii dariska la ahaa qoyska.

Hooyada falkan gaysatay ayaa la sheegay in qabtay xanuun dhanka dhimirka ah, ayna daawo u socotay, sida aanu kasoo xiganay ehellada.

Mid kamid dadka deegaanka oo la hadashay Shabelle Tv ayaa ka warbixisay sida ay wax u dhaceen, waxayna sheegtay inay aad uga argagaxeen dhacdadaasi.

“Meeshaan waxaa ka dhacday qadar xanuun badan ilmo yaryar oo isla dhashay ayaa hooyadood gowracday gabdhadha waa xanuunsanayd” ayay tiri gabar kamid ah dariska.

Sidoo kale waxa ay siui raacisay “Uur ku taallo ayay nagu reebtay hooyo labadeeda canug gowracday wax-yar ma’ahan xalay ayay dhacday hal saac”

Dhankeeda Hooyo kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegtay in haweeneydan ay horayu gubtay carruurta, isla markaana marka ay hadda bogsadeen ay gowracday

“Ilmahan bil kahir ayay gubtay marka Soonkii ayay soo raysteen 4 jir iyo 2 iyo 3 jir ayay kala ahaayeen” ayay iyaduna tiri hooyo kamid ah dadka deegaanka.

Falkan xanuunka badan ayaa si weyn looga hadal hayaa magaalada Muqdisho iyo baraha bulshada, maadaama uu yahay fal aad looga naxo.

Dilka carruurtan ayaa waxa uu qeyb ka noqonayaa dhacdooyinka argagaxa leh ee asbuucyadii lasoo dhaafay ka dhacayay dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Previous articleGabar ay Dhashay ilhaan Cumar oo Maraykanka Lagu Xiray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here