Home Wararka Maanta Xasan Sheekh oo Abiy Axmed uga digay ku sii socoshada is-afgaradkii uu...

Xasan Sheekh oo Abiy Axmed uga digay ku sii socoshada is-afgaradkii uu la gaarey Muuse Biixi

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxauud ayaa dowladda Itoobiya ku eedeeyey in ay daba socoto damac soo jireen ah oo ay ku dooneyso in ay ku qaadato qaybo ka mid ah badda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan oo khudbad ka jeedinayey misajid ku yaal Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo dowladdiisa u yaal, wuxuuna si gaar ah farta ugu godey sababta ka dambeysa khilaafka ka dhex oogan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Madaxweynaha oo ku dheeraaday taariikhda colaadeed ee u dhexeysa labada dal, ayaa carrabka ku adkeeyey sida ay uga go’an tahay Soomaaliya in nabad lagu soo dabbaalo gobolka, wuxuuse Ra’isul Wasaare Abiy Axmed ku eedeeyey in isagoo ka faa’ideysanaya daruufta ay Soomaaliya ku jirto uu soo cusbooneysiiyey damac soo jireen ah oo Itoobiya muddo dheer ku taameysey in ay bad u hesho.

“Maanta, Ra’isul Wasaaraha Itoobiya iyo xukuumaddiisu waxay is tuseen Soomaaliya wey soo kabaneysaa ee inta aysan cagaheeda isku taagin, ha laga faa’ideysto oo taariikhdii fogeyd oo waligeed Itoobiya badda ku raadin jirtey maanta ayaan fursad haysannaaya aan uga faa’ideysanno”, ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Xasan Sheekh Maxamud oo sii hadlaya ayaa Itoobiya ugu baaqay in ay ka waantowdo damaca uga jira badda Soomaaliya, haddii ayse ku adkeysato isku daygeeda wuxuu uga digey in uu ku dambeyn doono meeshii ay ku dambeeyeen damacyo hore oo uusan carrabaabin.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xumaa tan iyo markii ay Addis Ababa heshiis is-afgarad ah la sixiixatay Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland 1-dii bishii Jannaayo ee sannadkan, kaas oo Muqdisho ganafka ku dhufatay.

Previous articleWar Deg Deg ah:Golaha Guud ee QM oo aqoonsaday Falastiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here