Dowladda Soomaaliya ayaa deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose dejisay ciidamada cirka, kuwa badda iyo kuwa dhulka, sida uu cadeeyey Korneyl Xasan Ciraaqi Taliyaha guutada 18-aad ee Gorgor oo degan Raaskambooni.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidmaada joogay ay maanta ku soo biireen ciidamada cirka oo wata diyaaradaha dagaalka, halka shalay ay Raaskambooni tageen ciidamada badda ee dowladda Soomaaliya oo Muqdisho laga diray.
“Maanta waxaa nagu soo biiray ciidanka cirka ee dowladda Soomaaliya, waad adagtaan gaadiidka ciidamada cirka, sidoo kale waxaa maanta naloo keenay saanad ciidan iyo gaadiid aan aad ugu baahneyn oo noo fududeyn doona gudashada waajibaadkeena qaran,” ayuu yiri Taliye Xasan Ciraaqi.
Taliyaha ayaa cadeeyey in ciidamada qaranka aysan Jubbaland duulaan ku aheyn, balse ay doonayaan inay sugaan amniga dalka, gaar ahaan deegaanadii ay ka baxeen iyo kuwa ay bishaan ka baxayaan ciidamada ATMIS.
“Shalay waxaa nasoo gaaray ciidamada badda oo la wareegay amniga badda, dhamaan ciidamada qaranka ayaa ku sugan halkaan, waxayna gudanayaan waajibaad qaran, ciidamadaan qeyb walba waxay qabsa doontaa shaqada ay u xil saran yihiin,” ayuu yiri Taliyahaan ugu sareeya ciidamada ay dowladda Soomaaliya u dirtay deegaanka Raaskambooni ee Jubbada Hoose.
Diyaaradaha dagaalka ee ciidamada cirka ayaa maanta saldhig ka sameystay Raaskambooni, sidoo kale diyaarado kale oo rakaab ah oo dowladda Soomaaliya ay saartay hub, ciidan, saad iyo gaadiid ciidan, ayaa maanta ka degay Raaskambooni.
“Garoonka Raaskambooni shaqada aan u heyno maaha mid aan dib uga laaba doono,” ayuu hadalkiisa ku sii daray G/Dhexe Xasan Ciraaqi.