Home Wararka Maanta Ciidan Gadood Sameeyay oo Maanta Xirtay Xaruunta Dowlada Hoose ee Gaalkacyo

Ciidan Gadood Sameeyay oo Maanta Xirtay Xaruunta Dowlada Hoose ee Gaalkacyo

0

Ciidamada Dowladda Hoose ee degmada Gaalkacyo oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa saaka xirtay xaruntii degmada, islamarkaana shaqaalihii u diiday in ay gudaha u galaan xarunta, si ay waajibkooda shaqo u gutaan.

Xubno ka tirsan shaqaalaha Dowladda Hoose ee Gaalkacyo oo tegey xaruntii degmada ayaa dib uga soo laabtay waxaana laga soo xigtay in ciidamado ka tirsan degmada oo mushaar la’aan ka cabanaya qabsadeen halkaasi oo ay ka celinayaan shaqaalaha in ay gudaha u galaan

Shaqaalaha iyo ciidamada Puntland ayaa dhawaanahan wajahaya xuquuq la’aan, waxaana wasiirka Maaliyadda oo maalin ka hor su’aal laga weydiiyay uu sheegay in dhismaha waddooyinku ay ka muhiimsan yihiin xuquuqda shaqaalaha, taasi oo dhalisay falcelin xooggan oo baraha bulshada qabsatay.

Muddooyinkii dambe, ayaa waxaa soo badanayay ciidamada katirsan maamulka Puntland ee mushaar la’aanta gadoodka u sameenaya, kuwaa oo xirnayay waddooyin muhiim ah iyo xarumo, iyaga oo dalbanaya in la siiyo xaquuqda ka maqan.