Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ugu baaqay maamulka SSC-Khaatumo in ay ku ekaadaan dhulkooda, isagoo uga digay in tallaabo laga qaadi doono haddii ay faragelin ku sii hayaan deegaannada Puntland, gaar ahaan gobolka Sanaag.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay damaca SSC-Khaatumo ee ku aaddan gobolka Sanaag, isagoo xusay in gobolku yahay qayb rasmi ah oo ka tirsan Puntland.
Daawo Muuqalka Deni oo ka hadlay Arinta Khaatumo
“Haddii aad go’aansateen inaad noqotaan maamul gaar ah, farriintaydu waa in aad ku ekaataan meeshiina. Haddii aad meel ka baxsan xadkaas faragelin ku bilowdaan, arrintu si kale ayay isu beddelayaa,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Wuxuu sheegay in Puntland aysan aqbali doonin wax uu ku tilmaamay xadgudub siyaasadeed iyo mid amni oo lagu hayo gobolladeeda.
Dhanka kale, Madaxweyne Deni ayaa si kulul u dhaliilay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay ciidan iyo hub kusoo daabushay gobolka Sool si ay xasilooni darro uga abuurto Puntland. Wuxuu arrintaas ku tilmaamay nasiib darro, isagoo xusay in halkii laga xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, dowladda dhexe ay xoogga saartay faragelinta deegaannada nabdoon.
“Waa nasiib darro in dhulkii laga xoreeyay Al-Shabaab ay hadda dib u qabsanayaan, sida degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ciidankii dowladda uu kala firxaday kadib markii la dayacay,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Madaxweyne Deni ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Dowladda Federaalka in ay joojiso faragelinta siyaasadeed ee ay ku hayso Puntland, isla markaana ay ka shaqeyso midnimada iyo amniga dalka.