Dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish oo ka dhacay aagga Togga Miiraale ee buuraha Calmiskaad, ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah.
Inta la xaqiijiyay, dagaalka waxaa ku dhintay in ka badan shan askari oo katirsan ciidamada Puntland, kuwaas oo uu ku jiro wiil uu dhalay taliyaha ciidanka difaaca Puntland, Gen. Aadan Cabdi Xaashi. Dhanka Daacish, wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ay dagaalkaas ku dhinteen in ka badan 25 dagaalame.