Wararka laga helayo degmada Adhi-Caddeeye ee gobolka Sool ayaa sheegaya in ugu yaraan 20 qof oo isugu jira haween, carruur iyo waayeel la rumaysan yahay inay shacab yihiin ay ku dhinteen weerarro iyo iska horimaadyo ka dhacay deegaankaasi.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in kooxo hubaysan ay weerar ku qaadeen shacabka ku nool degmada Adhi-Caddeeye, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin tirada saxda ah ee khasaaraha. Warbaahinta maxalliga, ayaa baahisay in dhimashadu gaadhayso 20 qof, Â halka 33 kalena ay ku dhaawacmeen dagaal culus oo Isniintii ka qarxay Adhi-Caddeeye.
Sida ay sheegayaan xogaha la helayo, dagaalka ayaa salka ku haya xiisad hore u dhex martay beelo wada dega deegaannadaasi. Abaare 10:00 subaxnimo ayaa la sheegay in jidka mara Adhi-Caddeeye lagu weeraray laba nin oo la sheegay inay ahaayeen rag qaadleyaal ah, taas oo dhalisay iska horimaad degdeg ah.
Weerarkaasi waxa ku dhintay hal qof, halka qof kale uu dhaawacmay, iyadoo sidoo kale nin kale oo goobta ku sugnaa uu ku dhaawacmay rasaas seeraare ah. Kadib markii maydka iyo dhaawacyada loo qaaday deegaanka Yagoori, xaaladdu waxay isu beddeshay dagaal toos ah oo dhex maray labada dhinac, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan.
Xogaha ugu dambeeyay ayaa muujinaya in dagaallada iyo weerarrada ka dhacay Adhi-Caddeeye ay sababeen dhimasho, dhaawac, guryo la gubay iyo burbur hantiyeed oo baaxad leh.








