Home Wararka Maanta Dibad-baxyo looga soo horjooda Dil loo geestay Dad Shacab oo ka dhacay...

Dibad-baxyo looga soo horjooda Dil loo geestay Dad Shacab oo ka dhacay Hargeysa

0

Dadweynaha ku dhaqan xaafadda 150-ka ee magaalada Hargeysa ayaa galabta isugu soo baxay mudaharaad ay kaga soo horjeedaan dil ay ciidamada Somaliland deegaanka Agabar ee degmada Gabiley ugu geysteen laba qof oo shacab ah.

Dilkan oo ka dhashay mudaharaad ay dadka deegaanku kaga soo horjeedeen shirkad macdan qodis ka waday deegaannadaas, ayaa sababay in mudaharaadadii maanta ay dhacaan.

Haddaba, Madaxweynaha Somaliland ayaa guddi u saaray xaaladda deegaanka Agabar, iyadoo hakad la geliyay macdan qodistii ka socotay deegaankaas. Sidoo kale, waxa la sheegay in heshiis hordhac ah ay gaadheen xukuumadda iyo dadka deegaanka.

Intaas ka dib, waxa la sheegay in dhammaan qodobadii lagu heshiiyay aanay sidii la rabay u fulin, taasina ay sababtay in mudaharaadku maanta mar kale dib u soo cusboonaado.

Dadweynuhu waxay xukuumadda ku eedaynayaan in aanay si habboon uga shaqayn xallinta xaaladda deegaanka, iyaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay in booliisku xabbad u adeegsado dad cabanaya.

Dadka u ololeeya dib-u-habaynta booliiska ayaa ku doodaya in ay muhiim tahay in booliiska la siiyo tababaro la xidhiidha ka-hortagga mudaharaadyada iyo ilaalinta shacabka, sidoo kalena la joojiyo in hoggaanka booliiska loo dhiibo madax leh xirfado milatari.