Itoobiya ayaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku eedaysay inuu taageeray tallaabooyin ay sheegtay inay ka hor imanayaan danaha istiraatiijiga ah ee Itoobiya, kaddib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu 4-tii Oktoobar magaalada Al-Calamayn ee Masar kaga qayb galay shir ay yeesheen Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan.
Warbixin ay baahisay Wakaaladda Wararka Itoobiya oo ciwaan looga dhigay “Khayaamaada Madaxweyne Xasan Sheekh waxa ay wax u dhimanaysa xaqiiqooyinka gobolka,” ayaa lagu sheegay in ka qaybgalka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo taageerada uu u muujiyey bayaanka wadajirka ah ee shirka ay Itoobiya u aragto tallaabo saamayn ku yeelan karta danaha ay ka leedahay Wabiga Niilka iyo arrimaha amniga Badda Cas.
Warbixintu waxay sheegtay in bayaanka Al-Calamayn uu ku adkaynayo dalalka ku wada jira Wabiga Niilka inay dhowraan mabda’a ah inaan dal kale waxyeello loo geysan, isla markaana mashaariicda biyaha ee saameyn karta dalalka kale lagu saleeyo ogeysiin hore, wada-tashi iyo is-afgarad.
Wakaaladda Wararka Itoobiya ayaa ku doodday in qodobadan ay si gaar ah u saamayn karaan Itoobiya, oo muddo dheer khilaaf kala dhexeeyey Masar iyo Suudaan oo ku saabsan isticmaalka biyaha Niilka, gaar ahaan Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya.
Warbixinta ayaa sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedaysay inuu la safanayo isbahaysi siyaasadeed oo, sida qoraagu ku dooday, lagu xaddidayo doorka Itoobiya ee arrimaha Badda Cas. Itoobiya oo aan lahayn xeeb ayaa muddooyinkii u dambeeyey si joogto ah u muujisay muhiimadda ay u leedahay helitaanka marin-badeed ganacsi.
Qoraalka ayaa sidoo kale si gaar ah u dhaliilay ka qaybgalka Madaxweynaha Ereteriya, Isaias Afwerki, isagoo ku dooday in Ereteriya ay taageertay mowqifka Masar ee ku saabsan arrimaha biyaha Niilka. Qoraagu wuxuu tallaabadan ku fasiray inay Ereteriya mudnaanta siisay danaha Masar, halkii ay ka ilaalin lahayd danaha mustaqbalka ee Ereteriya.
Warbixinta ayaa sidoo kale soo hadal qaaday kaalintii Itoobiya ku lahayd Soomaaliya tan iyo burburkii dowladdii dhexe sanadkii 1991-kii, iyadoo xustay shirarkii dib-u-heshiisiinta ee lagu qabtay Itoobiya iyo taageeradii ciidamada Itoobiya ay ka geysteen dagaalladii lagula jiray Al-Shabaab iyo hawlgalladii nabad-ilaalinta ee Soomaaliya.
Qoraaga warbixinta ayaa ku dooday in taageerada Madaxweyne Xasan Sheekh ee bayaanka Al-Calamayn ay ka hor iman karto xiriirkii amni iyo iskaashi ee Soomaaliya iyo Itoobiya soo dhex maray tobannaan sano. Waxa uu sidoo kale dhaliil u jeediyey mowqifka Madaxweynaha Soomaaliya ee ku saabsan arrimaha Badda Cas iyo xuquuqda Itoobiya ee marin-badeedka.








