Home Wararka Maanta Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod...

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa.

Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Abdikarim Ahmed Hassan, Gudoomiye ku-xigeenka, Mudane 𝐒𝐚𝐚𝐝𝐢𝐪 𝐀𝐛𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐆𝐚𝐫𝐚𝐚𝐝 iyo qaar ka mid ah Xubnaha GMDQS.

Diiwaanhayaha Guddiga Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐮𝐦𝐚𝐫 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 Xaydara oo ugu horeyn ka hadlay kulanka ayaa sharaxaad ka bixiyey Ururka Cusub ee 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 iyo hab-raacyadii uu soo maray.

Dhanka kale Guddoomiyaha Ururka Midowga Soomaaliya Dr. 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐃𝐞𝐞𝐪 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐤𝐡 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 oo gudoomay shahaadada ayaa Guddiga ku amaanay shaqada wanaagsan ee uu u haayo umadda Soomaaliyeed.

Gudoomiye Cabdikariim ayaa sheegay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod ah si xor iyo Xalaal ahna loogu tartami doono.