Xildhibaanada dowladda Federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda beesha Jareerweyne iyo qoyska uu ka dhashay Allaha u naxariistee Jeneraal Sheegow Axmed Cali ayaa si adag u beeniyay warar been abuur ah oo sheegayay in la sumeeyay marxuumka, kaddib markii uu xalay si lama filaan ah ugu geeriyooday isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.
Qoyska marxuumka iyo xildhibaanada beesha Jareerweyne ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa si wadajir ah u sheegay in wararkaasi yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, iyagoo bulshada Soomaaliyeed ka codsaday in aan laga been abuurin geerida Sheegow. Waxay sidoo kale shacabka u xaqiijiyeen in marxuumka uu u geeriyooday xanuun muddo hayay, isla markaana aysan jirin wax raad ah oo muujinaya in si ula kac ah wax loogu dhimey.
“Waxaan dadka ku boorinaynaa in ay isdajiyaan, kana digtoonaadaan faafinta warar aan xaqiiqo ku fadhiyin oo dhaawacaya xurmada marxuumka iyo dareenka qoyskiisa,” ayuu yiri mid kamid ah xubnaha qoyska oo saxaafadda la hadlay.
Dhankeeda, Wasiir Dahabo Suusow oo katirsan xukuumadda Federaalka ah isla markaana ka mid ah ehelada marxuumka, ayaa sheegtay inay ku qanceen warbixinta rasmiga ah ee kasoo baxday isbitaalka Digfeer. Waxay sheegtay in aan loo baahnayn in buuq iyo madmadow laga abuuro geerida Sheegow.
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, oo isna saxaafadda la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in Jeneraal Sheegow uu geeriyooday kadib markii uu istaagay beerkiisu, iyadoo lagu arkay calaamado la xiriira Cagaarshowga nooca Habitat B.
Jeneraal Sheegow Axmed Cali ayaa horraantii bishii Nofembar 2023 waxaa Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ku xukuntay 10 sano oo xabsi ciidan ah, kaddib markii uu hoggaaminayay ciidan gaar ah oo dagaal la galay ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya bartamihii bishii Agoosto 2023, taasoo sababtay khasaare iyo dagaal culus oo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho. Dagaalkaas ayaa lagu qabtay Sheegow iyo ciidamo kale oo la socday, kuwaas oo qaarkood lagu xukumay dil iyo xabsi.
Qoyska marxuumka ayaa xaqiijiyay in aaska Jeneraal Sheegow lagu qaban doono magaalada Muqdisho maalinta Arbacada ee soo socota.