Home Wararka Maanta Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Baaqay inuu Dadka kala tashto...

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Baaqay inuu Dadka kala tashto Xaalada taagan

0

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu la yimaado Qorshe Qaran oo looga hortagaayo Kooxaha argagixisada.

Waxa uu barta uu ku leeyahay X uu kusoo daabacay Fahad Yaasiin in meel la iska dhigo wax kasta oo kala aragti duwanaasha ah oo Madaxweynaha iyo Mucaaradka u dhaxeeya si Madaxweynaha loola wadaago talooyin dalka badbaado u noqon kara sida uu qoraalkiisa uu ku yiri.

“Waxaan diyaar kuula nahay in aan meel la Iska dhigo wax kasta oo kala aragti duwanaasha ah, oo aan kula wadaagno talo iyo tusaale walba oo dalka badbaado u noqonaya, waana waqtigii la muujin lahaa midnimo iyo wadajir keeni karta qorshe qaran oo looga hortagi karo argagaxisada halista ku ah jiritaanka qaranka” ayuu ku yiri Fahad Yaasiin Qoraalkiisa.

“Mudane Madaxweyne, hal codsi baan kuu soo gudbineynaa, iyadoo lagaa filanayo inaad soo dhaweyso oo aad aqbasho. Madaxweyne, waxaad ku baaqdaa gogol qaran oo aad ugu yeerto cid walba oo talo iyo tayo kusoo kordhin karta xaaladda uu dalku marayo maanta, Gogoshaas ha noqoto mid furan oo shuruud la’aan ah, dhankaada iyo dhanka mucaaradka labadaba” ayuu Fahad Yaasiin qoraalkiisa sii raaciyay.

Ugu dambeyn Fahad Yaasiin waxa uu ugu baaqay Madaxweynaha in la joojiyo is eedeeynta oo la xoojiyo midnimada si meesha ay uga baxdo wax walboo muujinaya kala qeybinta dalka.

“Madaxweyne, waqtigan maahan xiligii la is eedeyn lahaa, ee waa xaaladdii la midoobi lahaa, waxaan kaa rajayneynaa inaad noqoto odaygii qaranka, oo aad meel iska dhigto wax walba oo dalka iyo dadka kala qaybinaya” ayuu Fahad Yaasiin qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay.