Qoorqoor ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu xusayay 26-ka Juun, isagoo sheegay inuu go’aansaday inuu ka haro hannaanka doorashada ee hadda socda, isla markaana uusan mar kale isu soo sharrixi doonin xilka madaxweynaha Gelmudug.
“Waxaan go’aansaday proseska hadda socda anigu inaan ka haro oo aan ka tanaasulo. Inta uu soo dhammaanayo proseskaas xilkaa ayaan sii hayn doonaa, si hawl-socodka maamulka uu u sii socdo,” ayuu yiri Qoorqoor.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu taageersan yahay in shacabka Gelmudug ay si nabad ah ku doortaan hoggaanka ay doonayaan, isagoo intaas ku daray inuu la shaqeyn doono cid kasta oo ku guuleysata doorashada.
Wararka ayaa sheegaya in masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, oo ay ku jiraan Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ay muddooyinkii dambe wadeen dadaallo la xiriira geeddi-socodka siyaasadeed ee Gelmudug iyo qabsoomidda doorasho lagu tilmaamay mid nabdoon.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa khudbad dheer oo uu munaasabadda ka jeediyay ku sheegay in Gelmudug ay sii ahaan doonto maamul mideysan oo xasilloon, isaga oo shacabka ugu baaqay inay ka shaqeeyaan midnimada iyo horumarka maamulka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la ogyahay inay madaxweynaha Galmudug u wadato ganacsade Liibaan Axmed Xasan oo kamid ah saaxiibada madaxweyne Xasan Sheikh la soo shaqeeyay.
Qoor qoor ayaa xilka madaxweynaha Galmudug hayay muddo ka badan 6 sano. Wuxuuna xilka qabtay bishii Febraayo sanadkii 2020.








