Home Wararka Somaliya Somaliland Ismaacil Cumar Geele oo Dharbaaxo siyaasadeed Ku Dhuftay Muuse Biixi

Ismaacil Cumar Geele oo Dharbaaxo siyaasadeed Ku Dhuftay Muuse Biixi

0

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo booqasho rasmi ah ku jooga Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa kulan xasaasi ah la qaatay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Hoggaamiyaha ayaa madaxweyne Geelle uga warbixiyay xaaladda guud ee SSC-Khaatumo, nabadda iyo xasilloonida ka jirta deegaannadaasi, maamul dhiska iyo hiigsiga dhaw ee dibu dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay SSC-Khaatumo.

Firdhiye ayaa sidoo kale si weyn uga mahad-celiyey soo dhawaynta diirran ee shacabka iyo dowladda Jabuuti ku soo dhaweeyeen wafdiga uu horkacayo ee SSC-Khaatumo.

“Hoggaamiyaha ayaa bogaadiyay doorka dowladda Jabuuti ee dowlad dhiska Soomaaliya iyo guud ahaan iskaashiga amniga ee gobolka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay SSC-Khaatumo

Madaxweyne Geelle ayaa dhankiisa bogaadiyey booqashada hoggaamiyaha iyo wafdigiisa ku yimaadeen dalka Jabuuti, isagoona xusay in Jabuuti tahay dal iyo dowlad xarun u ah Soomaali oo laga jecel yahay dhammaan dadka Soomaliyeed.

Shalah ayey aheyd markii uu Firdhiye dalka Jabuuti uu kulan muhiim ah kula qaatay madaxda u saraysa urur-goboleedka IGAD, oo uu hoggaaminayey Xoghaye ku-xigeenka sare ee IGAD Maxamed Cabdi Waare oo ah madaxweynihii hore ee HirShabeelle.

Previous articleCiidanka ISRAEL oo duullaan hor leh ku qaaday waqooyiga Gaza
Next articleXasan iyo Xamze oo Isku Khilaafsan Magaacaabista Asad Diyaano

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here