Home Wararka Maanta Jeneraal Sheegow oo ku geeriyooday Muqdisho iyo Dowladda oo war kasoo saartay

Jeneraal Sheegow oo ku geeriyooday Muqdisho iyo Dowladda oo war kasoo saartay

0

Qaar kamid ah ehelada Jeneraal Sheegow Axmed Cali ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay Geerida Jeneraalka oo in muddo ah ku xanuunsanayay isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho, waxaana uu ahaa maxbuus u xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Marxuumka ayaa dhawaanahaan ku jiray isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, halkaasoo loo geeyey in laga daweeyo xanuun hayey sida uu xaqiijiyay Wasiirka Caafimaadka ee Dowladda Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan.

Wasiirka Caafimaadka Dr Cali Xaaji ayaa shaaca ka qaaday in Sheegow uu Beerka istaagay oo uu haleelay Cagaarshowga nooca Habitat B, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay gaar ahaan beesha uu kasoo jeedo inay isdejiyaan oo aan si xun dhimashadiisa loo fasirin.

Maxkamad ciidan ayaa horaantii bishii Nofembar ee 2023 xabsi ciidan oo 10 sano ah ku xukuntay Sheegow, ayadoo qaar ka mid ah ciidan isaga ka amar qaatana lagu xukumay dil iyo xabsi, ka dib markii ciidanka isaga ka amar qaata iyo ciidanka dawladda uu dagaal ku dhex maray magaalada Muqdisho Agoosto 2023, ka dibna dagaalka lagu soo qabtay Sheegow.

Bishii September, sanadkii 2017 wuxuu Sheegow Axmed Cali, maamulayay saldhigga deegaanka Bariirre ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ay xilligaasi weerareen kooxda al-Shabaab.

Weerarkaas waxaa ku dhintay ilaa 18 ka mid ah al-Shabaab, sida uu markaasi u sheegay BBC-da.