Home Wararka Maanta Maxay Tahay Fariinta Soomaalidu Isku Dirtay ee Xaramka Laga Beeniyay?

Maxay Tahay Fariinta Soomaalidu Isku Dirtay ee Xaramka Laga Beeniyay?

0

Baraha bulshada waxaa saacadihii ugu dambeeyey ku baahay qoraallo ay dad badan faafiyeen oo ku saabsan khayrka ku jira habeenka Laylatul Qadriga kaas oo ay inta badan dadka qoraallada soo dhigay ay xigteen Imaamka Masaajidka Barakaysan ee Makkah, Sheekh Cabdirixmaan Sudaysi.

Nuxurka farriinta baahday ayaa ahayd “in ka faa’iidaysiga habeenkan barakaysan uu ruux kasta u heli karo si gaar ah.”

Maamulka masajidada barakaysakan ayaa beeniyey farriinta la faafiyey ee loo tiiriyey Sheekha iyagoo qoraal kooban oo la soo dhigay barta Facebook ee ‘Inside the Haramain’ lagu sheegay inaysan sal iyo raad toona lahayn arrintaasi.

“Farriinta baahday ee baraha bulshada lagu faafiyay oo lala xiriiriyay Sheekh Cabdirixmaan Sudaysi oo ku saabsan 10-ka dambe ee Ramadaan waa khalad iyo mid sumcad dil ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Muxuu yahay habeenka Laylatul Qadri?

Sida uu Alle ‘SWT’ ku sheegay suuradda Al- Qadri, waa habeen barakaysan, oo nabadgalyo ah kaas oo dhexdiisa ay ku jiraan wanaag oo dhan, acmaasha la shaqaystaa habeenkaas ayaa dhiganto kun habeen, sida ay suutarul Al-Qadri sharraxday.

Sidoo kale habeenka ayuu Alle ku tilmaamay inay soo dagaan Malaa’ikta oo laga magac dhabay Malakul Jabriil ‘CS’.

Sheekh Axmad Atiku Auwal, oo ah macalin diinta Islaamka ka dhiga gobolka Kaduna ee dalka Nigeria ayaa yiri. “Alle (SWA) wuxuu ku soo koobay sharraxaadda habeenkan suuradda Al-Qaadri”

Sida uu Sheekh Axmad sheegay habeenkaan ayaa u gaar ah ummadda Nebi Muxamed NNKH.

Habeenkan ayaa ku jira tobanka dambe ee bishada barakaysan ee Ramadan gaar ahaan habeenada tiradadoodu is dheeftahay ama kinsiga tahay sida axaaddiis laga wariyey Nebiga NNKH ay sheegeen.

Sheekh Awwal waxa uu sheegay in habeennadan uu qofku ku noolayn karo cibaadada diiniga ah nooc kasta oo ay tahay sida Qur’aanka Kariimka ah oo uu Alle (SW) waydiiyo, Istigfaari iyo Tasbiix, Xamdala iyo ducada.

“Waa sababta uu Rasuulku (NNKH) habeennadaas uu aadka ugu ugu dadaali jiray cibaadada marka loo eego maalmihii kale ee bisha Ramadaan, iykuna boorin jiray ehelkisa oo dhan,” ayuu yiri Sheekh Awwal.

Previous articleTrump oo xisbiga Jamhuurigu usoo magacaabay inuu u tartamo doorashada madaxtinnimada ayaa wajahaya afar kiis oo dembi ah.
Next articleAkhriso:Lixda qodob ee ugu waaweyn wax ka beddelka dastuurka ee shalay la ansixiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here