Home Wararka Maanta Muwaadiniinta Mareyakanka ee ku sugan Israel oo Digniin loo diray

Muwaadiniinta Mareyakanka ee ku sugan Israel oo Digniin loo diray

0

Safaaradda Mareykanka ee ku taalla Israa’iil ayaa u sheegtay muwaadiniinteeda inay ku dhawaadaan goobo gabaad amni leh , sababo la xiriira xaaladda amni ee gobolka inay faraha ka sii baxayso, xilli walbana ay isbeddeli dhici karaan.

Kaddib weerarradii saakay ee Xisbullah iyo Israa’iil oo sheegtay inay ka hor tagtay ka hor inta uusan billaaban weerarka, waxay muujinayaan bilowga isbed beddalada  xiisadda bariga dhexe.

Telefishinka Channel 12 ee Israa’iil uu ku warramay inay Israa’iil sameynayso diyaar garow iyadoo aragta inay weerarro kale ku soo wajahan yihiin.

Goobaha amnigooda la xoojiyay waxaa ka mid ah xarumaha korontada oo lagu sheegay goobaha bartilmaameedka ah ee gudaha Israa’iil.

Xisbullah waxay beeniyeen in laga hortagay weerarkii aargoosiga ahaa ee ay saaka ku qaadeen Israa’iil, iyagoo ku andacoonaya inuu dhacay waqtiga ay qorsheeyeen, si guul ahna ku dhammaaday wajigiisa koowaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here