Home Wararka Maanta Somaliland oo Saldhig Militari Siineysa Mareykanka Dhanka Dekada Berbera

Somaliland oo Saldhig Militari Siineysa Mareykanka Dhanka Dekada Berbera

0

Maamul goboleedka Somaliland, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in dowladda Mareykanka ka siiyaan saldhig milatari magaallo xeebeedka Berbera, si kor loogu qaado xiriirka dalkaasi kala dhaxeeya maamulkooda.

Wakiilka Somaliland u fadhiya Maraykanka Bashiir Good, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in saldhig uu Maraykanku ka samaysto Berbera, taasi uu sheegay in ay u wanaagsan tahay danaha maamulka Somaliland iyo dowladda Mareykanka.

“Somaliland waa u diyaar inay saldhig millatari siiso Maraykanka, haddii uu ka shaqeynayo masaalixda labada dhinac ee Somaliland iyo Maraykanku yeeshaan,” ayuu yidhi Bashiir Good.

Bashiir Good wuxuu intaas ku daray inay Somaliland ka go’an tahay inay iyadoo dal madaxbannaan ah cilaaqaad iyo iskaashi la yeeshaan Maraykanka iyo dalalka kale ee adduunkaba.

Maamulka Somaliland ayaa dhabbo kasta u maraya sidii ay u heli lahaayeen aqoonsi in ay yihiin dal ka madaxbannaan Soomaaliya inteeda kale, mana jiro ilaa hadda cid aqoonsatay maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here