Home Wararka Somaliya Galmudug Waa sidee xaaladda galbeedka gobolka Mudug oo shalay dagaal beeleed saacado badan...

Waa sidee xaaladda galbeedka gobolka Mudug oo shalay dagaal beeleed saacado badan socday uu ka dhacay?

0

Wararka ka imaanaya galbeedka gobolka Mudug gaarahaan deegaannada u dhaxeeya Goldogob iyo Saax-qurun oo ah aagagii shalay ay ku dagaallameen beelo halkaa wada dega, ayaa sheegaya in weli ay is hor-fadhiyaan labada meleeshiyo beeleed, iyadoo mararka qaarna la maqlayo rasaas teel-teel ah.

Dhanka kale waxaa socda dadaallo ay wadaan maamullada Puntland iyo Galmudug oo ku aaddan sidii xabadda loo joojin lahaa. Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka dhacay kulmo labada mamaul ay uga hadlayeen sidii loo soo afjari lahaa colaaddaan oo dad badan ay ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

Inkastoo weli aan si dhab ah loo ogeyn khaasaraha inta uu gaarsiisanyahay, haddana waxaa wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in dhimashadu ay ka badantahay 10 halka dhaawucuna uu kor u dhaafayo 50 qof.

Previous articleMagaaladii Soomaaliyeed ee Talyaanigu ka heli jiray dhaqaalaha ugu badan iyo sida ay ku dambeysay
Next articleWar Deg Deg ah: Gudoomiye Jawari oo Goordhow Geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here