Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Dagaal Markale Goordhow Ka dhex Qarxay Beelaha Sacad...

War Deg Deg ah: Dagaal Markale Goordhow Ka dhex Qarxay Beelaha Sacad iyo Laylkase

0

Dagaal Culus oo Galay Maalinkii Labaad ayaa Goordhow Ka Dhex Qarxay Beelaha Sacad iyo Laylkase Dagaalka ayaana Haatan Kasocda Meel lagu Magacaabo Jicboor oo Shalay Dagaal qaraar oo Laisku habeensady uu Halkaas Ka dhacay.

Dagaalka  oo Goordhow Qarxay ayaa Yimid Kadib Markii Beesha Sacad oo Raadsanaysay Meyd ay Fooda isdareen Ciidamo Ka tirsan Laylkase oo Difaac ku jiray Intaas Kadib Dagaal Culus oo wali socda ayaa Halkaas ka Qarxay.

Dagaalka Shalay ayaana Dhaliyay Khasaaro Xoogan oo kala Gaaray labada Dhinac ayaa Hadana waxay Xalay Heleen Gurmadyo Xoogan oo ka kala yimid Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Majirto Dagaalkaan ilaa Hada Cid ku Baxday Damintiisa Haday ahaan lahayd Galmudug ama Puntland Dhawaan ayay ahad Markii Magaalada Gaalkacyo lagu Qabtay Shir lagu Heshiisiinaayo Beelaha Sacad iyo laylkase Balse Heshiiskaas ayaa u muuqda Inuu Noqday Hal Bacaad lagu lisay.

Previous articleSoomaaliya iyo Itoobiya oo Wadahadalkii Ugu Horeeyey ku Yelaanaaya Turkiga
Next articleNin Hooyadiis iyo Abtigiis Dilay Xalay oo Lasoo Qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here