Home Wararka Maanta Manchester United oo albaabadeeda u furtay oo weeraryahanka Muslimka ah ee Vincent...

Manchester United oo albaabadeeda u furtay oo weeraryahanka Muslimka ah ee Vincent Aboubakar oo sababta Cristiano Ronaldo uga tegay kooxda Sucuudiga ee Al-Nassr

0

Manchester United ayaa albaabadeeda u furtay oo heshiis amaah muddo kooban ah u bandhigtay weeraryahanka Muslimka ah ee Vincent Aboubakar oo noqonaya xiddigii koowaad ee sababta Cristiano Ronaldo uga tegaya kooxda Sucuudiga ee Al-Nassr.

Erik ten Hag ayaa la sheegay inuu doonayo inuu kusoo dhoweeyo Vincent Aboubakar kooxdiisa Manchester United oo uu waliba ku aamino afka hore ee weerarka, kaddib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in Al-Nassr ay diyaar u tahay inay laacibkan iska diro.

Vincent Aboubakar ayaa suuqa lasoo dhigay, si ay Al-Nassr u diiwaangelin karto Cristiano Ronaldo oo uu ka buuxo liiska kooxda ee loo gudbiyey xidhiidhka kubadda cagta Asia iyo sidoo kale maamulka horyaalka Sucuudiga, waxaanay u baahdeen inay hal ciyaartoy iska diraan.

Xiddiga reer Cameroon ee wacdaraha ka dhigay Koobkii Adduunka ee Qatar, isla markaana dhaliyey goolkii uu dalkiisu ku garaacay Brazil, ayaa hore ugu soo ciyaaray kooxaha Ingiriiska ee Nottingham Forest, Wolves iyo Bournemouth.

Sida uu qoray wargeyska Okaz ee kasoo baxa Sucuudiga, Manchester United ayay ka go’an tahay inay la saxeexato oo ay waliba amaah kula soo wareegto Vincent Aboubakar oo haddii uu sii joogo Al-Nassr boos la’aan ku noqon doona, hase yeeshee waxay tartan kala kulmayaan kooxda reer Turkey ee Fenerbahce.

Aboubakar oo dhamaadka bishan ay da’diisu noqon doonto 31 jir, ayaa kasoo ciyaaray inta badan horyaallada Yurub, sida Faransiiska, Turkey, Portugal iyo Ingiriiska, waxaana uu xulka dalkiisa Cameroon u dhaliyey 35 gool oo ay ku jireen laba ka mid ah ay ahaayeen Koobkii Adduunka ee Qatar oo uu shabaqa soo taabtay kulamadii Serbia iyo Brazil.

Previous articleP.M Xamza oo War kasoo Saaray Askar ka tirsan Ciidanka Dowlada oo loo haysto weerarkii Hotel Rays
Next articleMaraykanka oo Shaaciyay Tirada Duqaymaha ay Alshabaab u Gaysteen Sanadkii Tagay ee 2022

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here