Home Wararka Maanta Maraykanka oo Shaaciyay Tirada Duqaymaha ay Alshabaab u Gaysteen Sanadkii Tagay ee...

Maraykanka oo Shaaciyay Tirada Duqaymaha ay Alshabaab u Gaysteen Sanadkii Tagay ee 2022

0

Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay warbixin sanadle ah oo ku aadan duqeymaha ay Soomaaliya ka fulisay sanadkii hore ee 2022-kii iyo khasaaraha ka dhashay weeraradaas dhanka cirka ah oo lagu beegsaday kooxda Shabaab.

Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa shaaca ka qaaday in 2022-kii ay gudaha Soomaaliya ka geysteen illaa 15 duqeymood oo dhammaan lagu weeraray Al-Shabaab.

AFRICOM ayaa sidoo kale sheegtay in weeraradaasi lagu taageerayay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee haatan howlgallada culus ka wada gobollada dalka.

Sida warbixintan lagu sheegay waxaa duqeymahaasi lagu laayey illaa 100 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, xilli ay abaabulayeen inay qaadaan weeraro halis ah.

Sidoo kale wuxuu Mareykanka meesha ka saaray in duqeymahaas ay wax khasaare ah kasoo gaareen dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaanada la duqeeyay.

Tirada duqeymaha uu Mareykanka fuliyay sanadkii dhammaaday ayaa ka badan tii sanadkii hore ee 2021-kii, markaas oo uu dalka ka fuliyay 11 duqeymood oo dhanka hawada ah.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka waa weyn ee sida tooska uga qayb-qaataa howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, wuxuuna sidoo kale tababar siiyaan ciidamada Xoogga dalka  Soomaaliyeed , gaar ahaa kuwa sida gaarka u tababaran ee Kumaandooska Danab.

Weeraradan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa saaxibadeeda caalamiga ah ay kordhisay dagaalka Shabaab looga saarayo dalka oo dhan.

Previous articleManchester United oo albaabadeeda u furtay oo weeraryahanka Muslimka ah ee Vincent Aboubakar oo sababta Cristiano Ronaldo uga tegay kooxda Sucuudiga ee Al-Nassr
Next articleKevin McCarthy oo Ku Guulaystay inuu noqdo Afhayeenka Congress-ka Mareykanka kadib 15 Wareeg oo Doorasha Ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here