Aabaha dhalay ra`iisal wasaaraha Britain Boris Johnson oo dalbaday dhalashada Fransiiska

Aabaha dhalay ra`iisal wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa dalbada dhalashada dalka Fransiiska si uu u ilaashado danahiisa kaga xiran Midowga Yurub maadaama dalkiisu si buuxda uga baxay midowgaasi.

Stanley Johnson oo aabahani lagu magacaabo ayaa warbaahinta RTL ee dalkaasi Fransiiska u sheegay in sababta ugu weyn ee uu u dalbanayo dhalashada fransiiska ay tahay sidoo uu u xajin lahaa xiriirka qoyskiisa kala dhexeeya fransiiska iyo tan danahiisa gaarka ah.

” – Sida aan aaminsanahay, anigu waxaan ahay fransiis, sababtoo ah hooyaday fransiiska ayay ku dhalatay, hooyadeedana fransiis dhalad ah ayay aheyd, awoowgeedna sidoo kale”, ayuu yiri Aabe Johnson.

Waxa uu intaasi raaciyay in uu waligiis Yurubiyaan ahaan doono, dadka reer UK ay iyana ahaan doonaan.

Britain ayaa bisha janaayo ee sannadka 2021 oo si buuxda uga baxeysa daladdii ay qeybta ka aheyd ee Midowga Yurub.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *