Home Wararka Maanta Tirada shaqaalaha Hormuud ee ku dhintay weerraro qaraxyo ah iyo dilal Mudoyinkii...

Tirada shaqaalaha Hormuud ee ku dhintay weerraro qaraxyo ah iyo dilal Mudoyinkii Danbe Kusocday

0

Warbixin Warbaahintu ka heshay waaxda warfaafinta ee Shirkada Hormuud ayaa muujinaya sida ay u korortay tirada shaqalaaha shirkadda ee ku dhintay qaraxyo lala eegtay xarumaha shirkada, gawaari shaqaalaheedu saarnaayeen iyo dilal bartilmaameedsi ah oo lala eegtay.

Sida ilo ka tirsan shirkadda ay BBC ushegeen tirada shaqaalaha laga dilay shirkadda intii u dhaxeysay 2023-2024 ayaa ahayd siddeed qof, oo lix ka mid ahaa isku meel lagu dilay.

Sidoo kale xarumaha laga burburiyay shirkadda ayaa gaaraya sagaal xarun oo ku kala yaalla Muqdisho iyo naxaawigeeda, sida ay shirkaddu sheegtay.

Waxay ahayd dabayaaqadii bishii December ee sanadkii hore, markii aroortii 26-kii December gaari uu lahaa nin injineer ah oo ka tirsan Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud lagu qarxiyay dibadda gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Daaru Salaam ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa nooca gawaarida lagu xiro ayaa qarxay wax yar uun ka hor inta uusan injineerku gaariga fuulin bannaanka gurigiisa. Lama soo sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay qaraxaas, waxaase jiray burbur soo gaaray gaariga.

Qaraxan ayaa noqonaya kii 13-aad ee lala beegsado shaqaalaha, gawaarida iyo xarumaha shirkadda tan iyo 7-dii Noofeembar markaas oo qaraxyadii ugu horeeyay lagu weeraray labo xarumood oo ku kala yaala Xero Jarmal iyo deegaanka tabeellaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho.

Ma jirin cid sheegatay masuuliyadda weerarkaas lala eegtay gaariga injineerka.

Sidoo kale isla bishii December ayay ahayd markii qarax loo adeegsaday nooca miinada nooca dhulka lagu aaso lala eegtay gaari ay leedahay Shirkadda Hormuud oo marayey deegaanka KM13 ee duleedka magaalada Muqdisho.

Axmed Cumar Cabdulle oo ka tirsanaa shaqalaha shirkadda Hormuud ayaa u geeriyooday xilligaas dhaawac kasoo gaaray qaraxa.

Xarumo ay shirkadda ku lahayd degmada Dayniile iyo Ceelasha Biyaha ayaa sidoo kale qaraxyo lagu burburiyey.

Xarumaha shirkadda keliya laguma beegsan Muqdisho iyto naxaawigeeda, sanadkii 2019 shirkadda ayaa dowladda Kenya ku eedeysay burburin loo geystay xarumo ay ku lahayd xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Mid ka mid ah xarumaha shirkadda ee xilligaas la weeraray ayaa waxaa ka mid ahayd xarun ku taalla deegaanka Cows-qurun oo u dhow degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, waxaa lagu burburiyay anteenada iyo qalabkii shirkadda ee halkaas ka shaqeynayay.

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa markaas cambareysay burburinta biraha isgaarsiinta. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayey dowladda ku sheegtay in “saameyn weyn oo dhanka ganacsiga iyo nolosha ah ay arrintan yeelaneyso”.

Previous articleDalalka Carabta oo Markale Garab Istaagay Soomaaliya Itoobiyana Eedeeyey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here