Home Wararka Maanta Dalalka Carabta oo Markale Garab Istaagay Soomaaliya Itoobiyana Eedeeyey

Dalalka Carabta oo Markale Garab Istaagay Soomaaliya Itoobiyana Eedeeyey

0

Bayaanka Kalfadhigga 3aad ee Madasha Dhaqaalaha iyo kaashiga Carabta, dalalka Bartamaha Aasiya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan oo garab istaag weyn u muujiyey Difaaca Soomaaliya ay ugu jirto damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya.

Kalfadhigii 3-aad ee Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta, dalalka Bartamaha Aasiya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ee lagu qabtay magaalada Doha ee Caasimadda dalka Qatar, iyadoo laga wada hadlay caqabadaha iyo fursadaha ku xeeran horumarinta iskaashi wadajir ah.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo kuwa ganacsiga ee Wadamada Carabta iyo wadamada Aasiyada Dhexe ee kala Azerbaijan, Uzbekistan, Tajikistan, Turkmenistan, Jamhuuriyadda Kyrgyz, Kazakhstan iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Ahmed Aboul Gheit

Kalfadhiga ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ka koobnaa dhowr qodob oo muhiim ah, waxaana ka mid ahaa qodobada JFS khuseeya:

1- Wasiirradu waxay cadeeyeen inay ka soo horjeedaan faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee dalalka islamarkaana waxay ku baaqeen in la ixtiraamo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed si waafaqsan Axdiga iyo mabaadi’da Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah.

2- Wasiirradu waxay si gaar ah u taageerayaan amniga, xasiloonida, midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, waxayna ku taageereen dawladda dadaalka ay ugu jirto ilaalinta madax-bannaanida Soomaaliya ee berriga, badda iyo cirkaba, sida ku cad qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, iyo Qodobada Axdiga Jaamacadda Carabta, isla markaana waxay taageereen dhismaha hay’adaha dowliga ah ee dalka.

3- Wasiirradu waxay caddeeyeen inay si buuxda u taageersan yihiin mawqifka ay dawladda Soomaaliya ka qaadatay heshiis beenaadkii ee 1/1/2024 wada saxeexdeen Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya iyo maamulka “Somaliland”.

4- Wasiirrada ayaa sheegay in heshiiskan is afgarad uu u taagan yahay ku xad-gudub bareer ah oo lagu sameeyay mabaadi’da sharciga caalamiga ah, iyo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, xiriirka deris wanaagga, nabad ku wada noolaanshaha iyo xasilloonida gobolka.

5- Wasiirradu waxay muujiyeen diidmadooda ku aadan heshiiskaas iyo tallaabo kasta oo sharci, siyaasad, ganacsi iyo mid ciidan ah oo ka dhasha, waxayna ku booriyeen dhammaan dalalka inay cambaareeyaan oo ay diidaan heshiiskaas.

6- Wasiirrada ayaa sidoo kale diiday isku dayga looga faa’iideysanayo heshiis beenaadka si xaalad cusub oo siyaasadeed looga abuuro Gacanka Cadmeed, xeebaha Soomaaliya iyo Badda Cas, taaso oo ay ku tilmaameen tallaabo halis gelineysa amniga wadamada Carabta iyo isu-socodka Gobolka.

Previous articleMa weerar argagixiso ayuu ahaa kii seefta loo adeegsaday ee maanta ka dhacay London?
Next articleTirada shaqaalaha Hormuud ee ku dhintay weerraro qaraxyo ah iyo dilal Mudoyinkii Danbe Kusocday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here