Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed SOMDA oo Gaartay Baydhabo Xili la Filaayo Roobab Ma Hiigaan ah

SOMDA oo Gaartay Baydhabo Xili la Filaayo Roobab Ma Hiigaan ah

0

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, Md. Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Masuuliyiin ka kala tirsan labada gole ee Maamulka KGS ayaa wafdiga Guddoomiyaha ku soo dhaweeyey garoonka diyaradaha Baydhabo, waxana ujeedka socdaalkiisa uu yahay u kuurgalida iyo indha-indheenta xalaadaha dadka dantayar madaama laguda galay roobkii gu’ga , in goobjoog uu ka ahaado qeybinta Gargaaro SoDMA ay gaarsiinayo dadka dantayar ee nugul kuwaas oo hore sameen uga soo gaartay xaladihii El-Niño ee sannadkii hore.

Guddoomiyaha ayaa kulan gaar ah la qaatay wasiirka Gargaarka maamulka Koonfur Cabdinaasir Cabdi Caruush, isaga oo shacabka ugu baaqay in ay u diyaar garoowan, baneeyaana goobaha cabsida laga qabo ee biyaha mareenada ah, feejignaana mujiyaan, waxana uu intaa raaciyey in magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba berri gargaar ugu qeybin donaan boqolaal shacab ah si gabaad uga dhigtaan dhibicda roobka iyo cadceeda qorraxda .

Previous articleXasan Shiikh oo Dowlada Tanzaniya u Tagay Arin Dadka Soomaaliyeed ku farxeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here