Home Wararka Somaliya Hirshabeelle aftagareen oo Soo Gaaray muqdisho iyo Ujeedka Safarkiisa oo La shaaciyay..

aftagareen oo Soo Gaaray muqdisho iyo Ujeedka Safarkiisa oo La shaaciyay..

0

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa soo Gaaray Magaalada Muqdisho.

Xildhibaano ka tirsan Labadda Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, Siyaasiyiin iyo Qeybaha kala duwan Bulshada ayaa Wafdiga Madaxweynaha kuso dhoweyey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade.

Lama oga illaa hadda ujeedka safarka Laftagareen balse qoraal ka soo baxay madaxtooyada K/Galbeed ayaa lagu sheegay in socdaalkiisu yahay safar shaqo oo aysan fahafaahin.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa inta uusan ka soo ambabixin Baydhabo Gudoomiyey Shirka Gollaha Wasiiradda oo looga hadlay Amniga guud ee Deeganada Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa sidoo kale lagu dhaariyey Wasiirada Wasaaradaha Waxbarashada iyo Beeraha oo ka mid ahaa Wasiiro uu dhowaan Magacaabay Madaxweynaha.

Previous articleTalyaaniga oo dowladda Soomaaliya ku wareejiyay gargaar loogu talo galay dadkii ka barakacay Laascaanood
Next articleXasan Sheekh oo la kulmey guddiga la-dagaalanka lacagaha sharci darrada ah iyo ka hortagga maal-gelinta argagixisada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here