Home Wararka Caalamka Ajaaniib Doonaysay in Ay ku Biiran Al-Shabaab oo kenya Lagu Qabtay.

Ajaaniib Doonaysay in Ay ku Biiran Al-Shabaab oo kenya Lagu Qabtay.

0
Raggan ayaa Arbacadii lagu qabtay meel dhexe, gaar ahaan agagaarka magaalada Gaarisa, ayaga oo doonayay inay usoo gudbaan Soomaaliya, gaar ahaan dhulka Al-Shabaab.

Laamaha ammaanka Kenya ayaa magacyadan raggan ku kala sheegay Cabdiraxmaan Shaffi Mkwatili oo 25 jir ah iyo Sadam Jafari Kitia oo  30 jir ah, kuwaas oo kasoo jeeda dalka Tanzania.

Sidoo kale wuxuu boolisku shaaciyay in raggan ay wateen buug lagu qoray luqadda Sawaaxiliga oo ay u adeegsanayeen inay ku hagaan dhaqdhaqaaqooda Tanzania illaa Jilib oo ay ka taliso kooxda Al-Shabaab oo ka dagaalanta dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Booliisku wuxuu intaasi kusii daray in dadka la qorayo ee u safraya in ay ku biiraan Al Shabaab ama kooxda kale ee Daacish la siiyo hab-raacyo safar oo ay uga fogaanayaan isgaarsiinta inta ay jidka ku jiraan, si ay uga taxadaraan in laga shakiyo ama la qabto.

Xarigga Cabdiraxmaan Shaffi iyo Sadam Jafari ayaa kusoo aadayo, ayada maalmo kahor sidan oo kale saddex ajaaniib ah oo u dhalatay dalka Tanzania laga qabtay aagga magaalada Gaarisa, kuwaas oo kala ahaa Abdul Saif Salimu, Zuberi Ngare Mtondoo, iyo Seif Abdalla Juma, waxaana lagu eedeeyay inay ku socdeen dhanka kooxda Al-Shabaab.

Previous articleCATRIONA LAING IYO Wafdi Ay Hogaaminayso oo Gaaray Dhuusamareeb iyo Qoor Qoor oo Qaabilay(Sawiro)
Next articleGuddiga dib u eegista Dastuurka ku wareejiyay Nuqulada heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here