Home Wararka Maanta Axmed Madoobe oo Mudo Kadib booqday Villa Soomaaliya(Sawiro)

Axmed Madoobe oo Mudo Kadib booqday Villa Soomaaliya(Sawiro)

0
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ay ka wada hadleen gebagebada howshii doorashada dalka ee guushah ku soo dhammaaday.
 
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay sidii uu hoggaamiyay howshii doorashada dalka iyo dhabar adeygii uu muujiyay si uu uga miro dhaliyo doorashadii dalka oo ku soo dhammaaatay si nabad ah.
Axmed Madoobe ayaa muddo sannad ka badan aan cagtiisa saarin xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana maanta booqashada uu ku tagay aheyd miod kaga duwan kuwii hore, waxa uuna ku dhax lugeeyay xafiiska Ra’isul Wasaare Rooble.
Isbadalka ka dhacay hoggaaminta dalka ayaa qeyb weyn waxaa ku lahaa  Jubbaland oo dagaal siyaasadeed oo adag la gashay Madaxweyne Farmaajo, waxaana Xildhibaanada Jubbaland lagu soo doortay si weyn u taageereen Madaxweune Xasan Sheekh.
Previous articleP.M Rooble oo Dardaaran Cajiib ah Madaxweyne Xasan Shiikh
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Kulan Xasaasi ah La Qaatay Aadan Madoobe(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here