Home Wararka Maanta Beesha Cabsiiye oo dhuusamareeb kusoo Bandhigay Ciidamo Ka Qayb Galaaya Dagaalka Wajiga...

Beesha Cabsiiye oo dhuusamareeb kusoo Bandhigay Ciidamo Ka Qayb Galaaya Dagaalka Wajiga Labaad ee Ceelbuur(Sawiro)

0

Waxaa gelinkii dambe ee Arbacadii shalay duleedka Dhuusamareeb lagu soo bandhigay xoogag ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka, kuwaas oo ka qayb-qaadanaya dagaalka Al-Shabaab.

Ciidamadan ayaa dhoolatus ka sameeyay deegaanka Mareergur oo hoos taga magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo ah goobta la’isugu keenay ciidankan oo ah dadka deegaanka..

Wararka ayaa sheegaya in xoogagan la’isaga keenay deegaanada dhaca inta u dhaxeysa  Dhuusamareeb illaa Xarardheere, si ay ugu biiraan gulufka ka socda Galmudug.

Sidoo kale waxaa ciidamadan booqasho ugu tegay mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka, xildhibaano, senataro iyo saraakiila ka tirsan ciidamada Xoohha dalka.

Mas’uuliyiinta ayaa ciidankaan kula dardaarmay inay ka qeyb-qaataan wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga xoreeyo deegaanada Galmudug.

Dhankooda hoggaamiyeyaasha ciidankan is abaabulay ayaa balan-qaaday inay doorkooda ka qaada doonaan howlgallada xoreynta ee ka socda gobollada dhexe ee dalka.

Gobolada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa si firfircoon uga socda diyaargarowga loogu jiro gulufka ay tahay in jiridda loogu siibo Shabaabka hubeysan.

Dadka reer Galmudug ayaa muujiyay inay ka go’an tahay in ay wiiqaan kooxaha argagixisada, ka dib sanado badan oo ay duljoogeen.

Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo hormuud u ah dagaalka ayaa Dhuusamareeb u jooga hagida dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Previous articleMadaxweyne Xasan shiikh oo kulamo Ciidamo aruursi kawada Galmudug
Next articleWasiir Rooboow oo Ka Hadlay $5 Milyan ee lagu eedeeyey inuu Ku Shubtay Akoonkiisa Gaarka ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here