Home Wararka Maanta Caalamka: Barlamaanka Pakistan oo Mar kale Raisal Wasaare u doortay Shehbaz Sharif

Caalamka: Barlamaanka Pakistan oo Mar kale Raisal Wasaare u doortay Shehbaz Sharif

0

Baarlamaanka cusub ee dalka Pakistan ayaa mar labaad Shehbaz Sharif maanta u doortay raysal wasaare, saddex toddobaad kaddib markii doorashooyinka dalkaasi ay sababeen dib u dhac ku yimid dhismaha dowlad wadaag ah.

Codbixiyeyaasha Pakistan ayaa 8-ddii bisha u dareeray goobaha cidbixinta iyadoo doorashadu ay hareeyeen hoos u dhac internet-ka ah, xiritaan iyo rabshado. Sharif ayaa ku laabtay xilkii uu hayay tan iyo bishii August markii baarlamaanka la kala diray.

Codbixiyayaasha baarlamaanka oo markii ugu horreysay kulmay Khamiistii, ayaa kusoo aadeysa xilli ammaanka aad loo adkeeyay iyadoo musharraxiinta uu taageersan yahay raysal wasaaraha hore ee jeelka ku jira, Cimraan Khan ay ka dibad baxeen natiijada ayna dalbadeen sii deyntiisa.

Previous articleSweden: Qarax Xoogan oo ka dhacay Degmada Farsta ee Caasimada Stockholm
Next articleGaalkacyo: Ciidanka Booliska oo gacanta ku dhigay Cali Khaliif oo hore dil u geestay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here