Home Wararka Maanta Caalamka: Tirada Dadka ku dhintay Gaza oo gaartay 30 kun oo Dhimasho...

Caalamka: Tirada Dadka ku dhintay Gaza oo gaartay 30 kun oo Dhimasho ah

0

Ciidamada Irsaa’iil ayaa kordhiyay duqeymaha ay ka wadaan magaalada Rafah ee Koonfurta Marinka Gaza, waxaana duqeymo culus ay shalay ka geysteen Rafah ku dhintay ilaa 12 ruux oo hal qoys ah.

Ciidamada Israa’iiliyiinta ayaa dhowr madfac ku weeraray qeybo ka mid ah magaalada Rafah, waxaana taa sii dheer in ciidamada badda Israa’iil ay rasaas ku fureen dadka degan agagaarka xeebta magaaladaas.

Dadka ku dhintay duqeynta Shalay ciidamada Israa’iil ka geysteen degmada Rafah ayaa waxaa ku jiray caruur aad u da’yar oo aan waxba galabsan.

Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in dadka rayidka ah ee Gaza lagu dilay ay gaarayaan tiro ahaan 29,313, halka dadka dhaawaca ah ay gaarayaan 69,333 ruux oo dhamaantood ahaa dad shacab ah.

Dhibaatooyinka ciidanka Israa’iil ay ka geysanayaan Marinka Gaza ayaa maalinba maalinta ka dambeysa ah mid sii kordheysa, mana muuqata cid dooneysa iney wax ka qabato dhibaatada lagu haayo reer Gaza.

Previous articleAnkara: Dowlada Jabuuti oo Heshiis dhinaca Difaaca la gashay Dowlada Turkiga
Next articleDowlada Itoobiya oo Walaac ka muujisay warbixintii ay Soomaaliya u gudbisay Golaha Ammaanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here