Home Wararka Somaliya Galmudug Caasimadda  Dalka Serbia waxaa kulan ku yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Dhiggiisa...

Caasimadda  Dalka Serbia waxaa kulan ku yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Dhiggiisa Rugta Ganacsiga Serbia.

0

Magaaladda Belgrade ee Caasimadda Jamhuuriyadda Serbia,waxaa kulan ku yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdikariin Cali Gabayre iyo Dhiggiisa Rugta Ganacsiga Serbia oo ay wehliyaan qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga ee dalkaas, iyadoo uu kulanka goobjoog ka ahaa Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Serbia Danjire Maxamed Cabdullahi Maxamed.

Shirkadaha Ganacsiga ee labada dal Somalia iyo Serbia ayaa rajeynaya in ay ka wada Faa’iideystaan xeebta dheer ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo Barigga Africa oo dhan u noqon karta marin Ganacsi iyo Serbia oo ah dal wax soo saar fiican leh weliba dhinac Macdanta, Beeraha Tiknoolajiyadda iyo Warshadaha.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii la isaga kaashaan lahaa Horumarinta Ganacsiga Soomaaliya iyo Serbia iyo sidoo kale Ganacsiga gobolka Geeska Afrika iyo marin-biyood badda Cas.

xigasho sntv tv qaranka.

Previous articleMaalinkii Labaad kasocda Muqdisho iyo Madax Hor leh oo kusoo Biirtay.
Next articleWAR DEG DEG AH:Warmurtiyeed laga Soo Saaray Shirkii Kasocday Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here