Home Wararka Caalamka Ciidamada Macawislayda oo Mushaar loo Qoray

Ciidamada Macawislayda oo Mushaar loo Qoray

0

Dowladda Federaalka ayaa waddo qorshe ay daryeel gaar ahi ugu fidineyso xoogaga deegaanka ee ka barbar dagaalamaya Ciidanka Xoogga Dalka, ee dagaalka kula jira maleeshiyada Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) loo igmaday inay diiwaangeliso xoogaga difaaca shacabka, kuwaa oo ay diiwaangelintoodu ka waddo Gobolada Dhexe.

Dowladda ayaa billaabi doonto in ay mushaar iyo gunno siiso xoogagaasi, kolka la soo geba-gabeeyo diiwaangelinta socota.

Ilo ku dhow dhow Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa tallaabadan ku sheegay jaanta jidkii lagu gaari lahaa in dowladdu ay mustaqbalka qarameyso xoogagaasi.

Abaabulka iyo hawlgelinta xoogaga deegaanka ee dagaalka ka qayb qaadanaya ayaa loo arkaa mid culeyska ku kordhineysa Shabaabka ka hawlgala bartamaha dalka.

Dadka deegaanka oo la abaabulo ayaa muhiim u ah qaabeynta iyo qorsheynta hawlgalada, iyadoo markaasi la yareynayo khasaaraha ciidamada.

Xoogagan ayaa ciidamada ka caawinaya in ay Shabaabka ugu taggaan bugcad kasta oo ay gabaad ka dhigan karaan, maadaama ay yihiin kuwo dhulka kala garanaya.

Yoolka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Qalabka sida ay muddo kooban ku soo afjaraan waayihii Al-Shabaab ee Gobolada Dhexe.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa wax ka bedel ku sameeyay istiraatiijiyadda dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Shabaabka, waana istiraatiijiyadda ay ciidamadu isugu furayaan waddooyinka tuulooyinka, deegaanada iyo magaalooyinka loo socdo in la xoreeyo, iyadoo aan maleeshiyadaasi fursad loo siineynin in ay ku soo laabtaan dhulka u dhaxeeya.

Wax ka bedelka qorshaha dagaalka ayaa sahlaya in ciidamadu ay helaan wadiiqo loo soo mariyo saadka iyo sahayda, inta ay hawlgalka militari ku guda jiraan.

Taliska Militariga ayaa doonaya in ciidamadu ay barro ka sameystaan dhulka fogfog, iyagoona ka hortaggaya weerarada dhaba-galka ay Shabaabku ciidmadu ugu sameeyaan waddooyinka iyo inaanay go’doomin goobaha laga saaro.

Dowladda Federaalka ayaa maskax iyo muruqba ku bixineysa, sidii uu u guuleysan lahaa gulufka dagaal ee lagu qabanayo dhulka maqan, laguna wiiqayo cududdii ciidan ee Al-Shabaab.

Previous articleCiidamada Galmudug oo Deegano Hor le Ka saaray Alshabaab
Next articleCanada oo dalkeeda ka tarxiileysa 150 qof oo Soomaali ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here