Home Wararka Caalamka Danab oo howlgal qorsheysan ku burburiyay xarumo kala duwan oo Al-shabaab ku...

Danab oo howlgal qorsheysan ku burburiyay xarumo kala duwan oo Al-shabaab ku laheyd deegaanka Budbud.

0

Ciidamada Kumaandooska  Soomaaliya Danab ayaa howgal qorsheysan ka sameeyay saacadahii lasoo dhaafay deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud oo fariisimo ku lahayeen kooxda Al-shabaab.

Taliyaha Guutada 16-aad ee ciidanka kumaandooska Danab Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ciidanka ay howlgalka ku burburiyeen keyd kala duwan oo kooxdu ku laheyd deegaankaas.

“Ciidanka ayaa intii ay hawlgalka wadeen waxay ku burburiyeen goobo ay ku kaydsanaayeen Sunta iyo Alaadaha kale ee walxaha qarxa ay ka sameeyaan Khawaarijta iyo goob kale oo Hub ugu keydsanaa” ayuu yiri Taliyaha Guutada 16-aad ee Ciidanka kumaandooska Danab Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare.

Deegaanka Budbud ayaa ka mid ahaa deegaanadii horay looga saaray Ururka Al-shabaab, hayeeshee waxay gacantooda dib ugu laabatay markii ay deegaankaas soo baneeyeen ciidanka dowladda Soomaaliya.

Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Alshabaab oo Xalay Muqdisho Weerar ka Gaystay.
Next articleCATRIONA LAING IYO Wafdi Ay Hogaaminayso oo Gaaray Dhuusamareeb iyo Qoor Qoor oo Qaabilay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here