Home Wararka Somaliya Galmudug Danmark oo raadinaysa hab sharci ah oo looga hortago Qur’aan gubista.

Danmark oo raadinaysa hab sharci ah oo looga hortago Qur’aan gubista.

0

Wasiirka arrimaha dibadda Lars Lokke Rasmussen ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka fiirsan doonto suurtagalnimada faragelinta ‘xaalado gaar ah’ kuwaas oo “dalal kale, dhaqamadooda, iyo diimaha lagu caayo”.

Dowladda Denmark ayaa isku dayi doonta in ay hesho qaab sharci ah oo awood u siin kara laamaha amniga iho caddaaladdu in ay ka hortagaan in lagu gubo kitaabka qur’aanka ah hortooda iyo safaaradaha dalalka kale ee Denmark, ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Lars Lokke Rasmussen.

Gubidda qur’aanka ayaa ah mid aad u fool xun oo aan laga fiirsan taas oo ay geysteen dad yar. Shakhsiyaadkan tirada yar ma metelaan qiyamka ay bulshada Denmark ku dhisan tahay, ayuu Rasmussen ku yiri hadal uu soo saaray Axaddii.

Sidaas darteed dawladda Dheenishku waxay baaraysaa suurtogalnimada, inay soo farageliso xaalado gaar ah taas oo dadku madaxbanaanida sharcigu siinaayo si khaldan u adeegsadaan tusaale ahaan in la fara geliyo waxa ka hor imaanaya dalalka kale, dhaqamada iyo diimahooda ama lagu aflagaadeeyo. ayuu yiri

Wadamada Denmark iyo Sweden ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay si weyn caalamku isha ugu hayay kadib mudaaharaadyo lagu lagu gubay kitaabka qur’aanka kariimka ah.

Rasmussen ayaa bayaankiisa ku daray in tallaabo kasta oo la qaadayo “dabcan ay tahay in lagu sameeyo qaab dhismeedka xorriyatul qawlka ee dastuurku ilaalinaayo aysan waxba ka beddelin xaqiiqada dhaqanka dalkooda, laakiin si gaar ah loo ilaaliyo xaaladaha qaar.

Previous articleMaxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo Xukun Adag Ku Riday Tiktikleey Gacan ka Hadal dhexmaray
Next articleMaxkamadda racfaanka oo maanta go’aan kasoo saartay dacwad ka dhan ah 36 kalluumeysato ajaaniib ah oo Hobyo laga Soo Qabtay Dhawaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here