Home Wararka Maanta Dawladda Itoobiya oo ka hadashay markii u horeysay kulankii Wasiirada arrimaha dibada...

Dawladda Itoobiya oo ka hadashay markii u horeysay kulankii Wasiirada arrimaha dibada Soomaaliya & Itoobiya ku dhexmaray Ankara

0

Dawladda Itoobiya ayaa ka hadashay markii u horeysay kulankii Wasiirada arrimaha dibada Soomaaliya & Itoobiya ku dhexmaray Ankara, sida lagu cadeeyey qoraal ka soo baxay Itoobiya ayaa sheegtay in ay wasiirada labada dal oo ay dhexdhexaadinayso Turkiga, ay is weydaarsadeen daacadnimo, niyadsami & aragti horumar leh oo khuseeya khilaafka labada dal, waxayna sheegtay Wasaaradda Arrimaha dibada Itoobiya in laysla eegay/lana soo bandhigay aragtiyo ku wajahan sidii wax loo qaban lahaa qaabka la wada aqbali karro oo kiiska badda ah.

Itoobiya waxay sheegtay in Soomaaliya & Itoobiya ay ka go’an tahay in si nabad ah lagu dhameeyo khilaafka, una mahadcelinayaan dawladda Turkiga.

Soomaaliya, waxay dhankeeda xalay sheegtay in aysan jirin wada hadal toos ah oo aragtiyo laysku dhaafsaday ama wax looga hadlay, qolo kastana meeshada joogtay, laakiin Itoobiyaanka ayaa sheegaya war ka duwan kan Soomaaliya.

Previous articleAskari Shukaansi lagu soo qabtay ee Taliyihiisa Dhaawacay oo Xukun adag lagu riday
Next articleXasan Shiikh oo Markale Xirtay Tuutaha Dagaalka Gaarayna Furimaha Dagaalka(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here