Home Wararka Somaliya Galmudug DIYAARADAH KENYA OO DUQEYMO CULUS U GEYSTAY DEGAANADA CEEL cade

DIYAARADAH KENYA OO DUQEYMO CULUS U GEYSTAY DEGAANADA CEEL cade

0
Duqeyntan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay fuliyeen diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Kenya, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan illaa 2 qof oo shacab ah ayaa ku dhintay weerarkan, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay Warbaahinta  u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Mid kamid ah labada qof ee geeriyootay ayaa ahaa wadaad lagu magacaabi jiray Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cabdullaahi iyo nin kale oo magaciisa lagu soo koobay Miskiinow.

Sidoo kale duqeyntaan ayaa geysatay burbur xoogan, maadaama uu weerarku ka dhacay goobo ay ku sugnaayeen dad shacab ah.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa shaaca ka qaaday in weli xaaladdu ay kacsan tahay, isla-markaana ay dareemayaan cabsi xoogan.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta gobolka Gedo iyo Kenya oo ku aadan weerarka maanta ka dhacay halkaasi.

Duqeyntan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo maalmihii lasoo dhaafay ciidamada Kenya ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen gobolka Gedo iyo deegaanada ku yaalla xadka labada dal.

Si kastaba, weerarkan cusub ayaa u muuqda mid jawaab u ah weerarada ay Al-Shabaab ku qaadaan gudaha waddanka Kenya, kuwaas oo aad u kordhay maalmihii la soo dhaafay.

wixi warar ah ee ku soo kor dha kala soco Calanka.net

 

 

 

Previous articleCiidamada Israa’iil oo isaga baxay Daanta Galbeed
Next articleXILIBAANKA SOMALILAND AQOONSIGA UGU OLALEEYO OO KA HADLAY,,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here