Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Dowlada Turkiga oo War Kulul kasoo Saartay Qaraxyadii baladweyne

Dowlada Turkiga oo War Kulul kasoo Saartay Qaraxyadii baladweyne

0

Dowlada Turkiga ah oo saaxiibka ugu weyn Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weeraradii argagaxiso ee ka dhacay maanta magaalada Baladweyne.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda ee Turkiga ayaa loogu tacsiyadeeyey ehelada dadkii ka naf waayey weerardaas iyo kuwa dhaawacmay

HOOS KA AKHRISO QORAALKA TURKIGA OO KU QORAN SOOMAALI IYO ENGLISH

War-Saxaafadeed ku saabsan Weerarrada Argagixiso ee Soomaaliya

Waxaan aad uga xunahay inaan ogaanay in dad badan oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo dad rayid ah ay ku naf waayeen kuna dhaawacmeen weerarradii argagixiso ee maanta (3-October) ka dhacay magaalada Beledweyne ee dalka Soomaaliya.

Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarradan argagaxisada ah, waxaana Allaah u rajeyneynaa in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo dadkii ku dhintay, waxaana tacsi u direynaa ehelada iyo qaraabada iyo sidoo kale dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee saaxiibada iyo walaalaha ah, waxaana u rajeyneynaa caafimaad deg deg ah inta ku dhaawacantay.

Previous articleWafdi kasocday Qaramada Midoobay oo Soo Gaaray Magaalada Gaalkacyo iyo Sababta oo la Ogaaday(Sawiro)
Next articleCiidamada Huwanta oo Saakay Dib u qabsaday Degaanka Yasooman

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here