Home Wararka Maanta Faahfaahin:Wiilka odaygii HARGEYSA ka yiri ‘Lafti Nagaa’ oo la dilay

Faahfaahin:Wiilka odaygii HARGEYSA ka yiri ‘Lafti Nagaa’ oo la dilay

0

Gobena Hola oo ah odeydhaqmeedkii safarka ku tagay Somaliland bilowgii sanadkaan ee yiri erayadii caanka noqday ee “Lafti Nagaa”, ayaa waxa uu sheegay in geerida wiilkiisa oo ka tirsanaa jabhadda OLA ee Oromada uu ka ogaaday baraha bulshada.

Todobaad ka hor ayaa wiilka uu dhalay odey dhaqmeedkaan oo ka tirsanaa Jabhadda, ayaa maamulka goblka Oromadu waxay sheegeen in ay talaabo ka qaadeen “ka dib markii uu bilaabay in uu beegsado dad shacab ah”.

Kadib markii uu soo shaac baxay warkaas ayaa waxaa aad hadal hayn u dhaliyay dhimashada wiilka odey dhaqmeedkaan oo ah odey laga haybeysto oo meeqaam sare ka jooga nidaamka dhaqanka ee Oromada.

Odeygaan oo lagu magacaabo Gobena Hola iyo Midowga Odeyayaasha Dhaqanka ee Oromada ayaa waxay u sheegeen BBC da, in geerida wiilkooda oo lagu magacaabi jiray Fole Gobena ay ka maqleen dad isla dhexmaraya baraha bulshada.

Warka ka soo baxay maamulka horaantii bishaan ayaa waxaa lagu yiri “Waxaa talaaba laga qaaday wiilka uu dhalay oday dhaqmeed Gobena Hola, kaas oo laynayay caruur Oromo ah.”

Sidoo kale warka maamulka ayaa waxaa la sii raaciyay: “Wiilka Gobena Hola, ee lagu magacaabo Fole Gobena waxa uu u socday in uu waxyeelo gaarsiiyo nolosha dad shacab ah oo ku sugan aagga xuduuda ee Bariga RC Zone, waxaana talaabo ka qaaday ciidamada ammaanka.”

Odey dhaqmeedka dhalay wiilka ayaa xaqiijin dhimashada wiilkiisa, balse waxa uu qiray in wiilkiisu uu xubin ka ahaa urur Xoreynta Oromia ee dawladdu ay ugu yeerto Shene.

Odeyga dhalay wiilka ayaa sheegay in wiilkiisa Fole oo ah 33 jir uu ka maqnaa muddo lix sano ah, intaas oo dhana uusan arag wiilkiisa.

“Maalin dhaweed ayaan arkay masawirkiisa oo baraha bulshada la wareejinayo aniga oo aan indho saarin muddo lix sano ah,” ayuu yiri odey dhaqmeed Gobena.

“Waan ogahay in uu xubin ka yahay ururka Ciidamada Xoreynta Oromia , balse ma jiro wax xiriir ah oo naga dhexeeya. Meel uu jooga xitaa ma aqaano.

Aagga Galbeedka RC ee Oromia warka uu soo saaray ayaa lagu sheegay in wiilka odey dhaqmeedka uu dilal ka sameynayay degmooyin kala duwan oo ku yaalla aagga.

Odey dhaqmeedka ayaa waxa uu sheegay in marka laga soo tago warka sheegaya in wiilkiisii la dilay uusan wax war ah ka hayn eedeymaha ay dawladdu u jeedisay.

“Waxaan ahay aabaha dhalay wiilka, been ma sheegayo; Wax xiriirka ah oo aan lalahaa wiilkeyga ma jiro. Taleefan xitaa iskama aanan wici jirin. Waaba markii ugu horeysay ee aan sawirkiisa arkayo muddo lix sano ah oo aan kala maqnayn.”

Sida uu sheegay aabihiisa wiilka la dilay ee ka tirsanaa jabhadda Ciidamada Xoreynta Oromia ee OLA ayaa guriga ka tagay isaga oo 26 jir ah.

Aabihiis ayaa waxa uu sheegay in maadmaada wiilkiisu uu ka tirsanaa jabhadaan hubeysan ay ciidamada ammanaku si joogto ah u soo weerari jireen gurigiisa.

Bil ka hor odey dhaqmeedkaan ayaa wuxuu sheegay mar gurigiisa la weeraray iyada oo aan ciidamada haysan ruqsad maxkamadeed in la qaatay hub uu aabihiis ka dhaxlay, dhacdadaasina ay ragagax u geysatay qoyskiisa oo dhan.

Odey dhaqmeed Gobena ayaa wuxuu xilka kala wareegay odeygii hore ee xilkaan u hayn jiray tuulada Tulema muddo shan sano ka hor. Waxa uu noqday xilligaa ska dib mid ka mid ah odeyaasha dhaqanka ee ugu sareeya ee dadka Oromada ah.

Xilkaan odey dhaqmeednimada ayaa waxa uu Tulema u hayn doonaa ilaa iyo sanadka 2027 da. Intaas wixii ka horeeya xilka waa uu hayn doonaa.

Goboka Oromada ayaa ka mid ah gobolada ay ku sugan yihiin ciidamada hubeysan ee hawlgalladoodu joogtada yihiin, waxaana ugu xoogan urur Ciidamada Xoreynta Oromia ee uu xubinta ka ahaa wiilka uu dhalay odey dhaqmeedku.

Ururka Ciidamada Xoreynta Oromia oo ka hawlgala qaybo kala duwan oo ka tirsan gobolka Oromada ayaa dawladda Itoobiya waxay u aqoonsan tahay in uu yahay urur argagixiso iyada oo ku magacawday ‘Shene’, marar badan ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay weerareen dad rayid ah.

Previous articleMuxuu Yahay Khilaafkaan Cusub ee ka Dhex Qarxay xasan shiikh iyo Madaxda Maamul Goboleedyada?
Next articleMaxamed Ibraahim Cali, Ilyaas Maxamed Xasan iyo Cabdullaahi Sheekh oo Xukuno Adag Lagu riday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here