Home Wararka Somaliya Galmudug Gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq iyo kuxigeenkiisa oo la Doortay Xili khillaf Xoogan Taagan...

Gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq iyo kuxigeenkiisa oo la Doortay Xili khillaf Xoogan Taagan yahay

0

Xafiiska madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo soo dhoweeyey maamulka cusub ee degmada Caabudwaaq

Xaafiiska Madexweyne ku xigeenka Dowlada Galmudug wuxuu soo dhaweynayaa una hambalyeynayaa Gudomiyaha iyo Kuxigeenka cusub ee ay doorteen Golaha Deegaanka Degmada Caabud Waaq ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Sida ku cad Sharciga Goloyaasha Deegaanka Qodobkiisa 4 aad, fakhrooyinkiisa 1, 4. Golaha Deegaanka waa Hay’ad u madaxbanaan fulint awoodaha sharcigu siinayo.

Qodobka 4 aad

1. Dowladaha Hoose waa hay’addo ismaamula lehna Shaqsiyad Qaanuuneed oo ay ku gudanayaan xilalka uu Sharcigan u xilsaarayo.

4. Dowladaha Hoose waxay umadax bannaan yihiin gudashada Xilalka uu Sharcigaan u xilsaarayo.

Waxaan markale so dhawaynaya rabitaanka iyo Taageerada Shacabka Caabudwaaq ay u muujiyeen Maamulka Cusub Shacabka Caabudwaaq wa Shacab Dowladnimada Jecel oo mudane in lo abaalgudo.

Waxaa lafarayaa dhamaan hay’adaha Dowlada iyo dadweynaha Degmada Caabud Waaq in ay la shaqeeyaan maamulka la doortay ee kala ah Avv. Abdinasir Maxamuud Hassan iyo Dr Maxamed Hassan Nuur.

 

Previous articleNin Dil U Gaystay Laba Wiil oo uu Abti u Ahaa Dhacdadan O Ka dhacday Baladweyne
Next articleSanbaloolshe oo Wacad ku maray inay Xasan Tuure usoo aari Doonaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here