Home Wararka Caalamka Madaxweyne Cali Guudlaawe oo u Guuray Furimaha Dagaalka

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo u Guuray Furimaha Dagaalka

0

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kormeer booqasha ah ku tagay furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan xadka ay wadaagaan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Cali Guudlaawe ayaa furumaha uu tagay kula kulmay saraakiisha ciidanka xoogga dalka hoggaamineysa, waxa uuna kala hadlay sida ay diyaarka ugu yihiin dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, isagoona ku dhiirigaliyay in ay qeyb ka noqdaan ciribtirka Kooxda Al Shabaab.

Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa ahaa mid uu ugu kuurgalayo xaaladaha Ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ayaa ku boggaadiyay guulaha lama ilaawaanka ah ee ay soo hoyeen, isagoo xusay in Al Shabaab laga sifeyn doono guud ahaan dalka.

Guudlaawe ayaa si kmg ah u saldhigtay deegaannada Cad-cadeey iyo Cadaanlaxeey si uu uga hogaamiyo duulaaanka lagu ciribtirayo Al Shabaab,waxa uuna ciidamada faray inay gutaan waajibkaadka saaran ayna gaba-gabeeyaan cadowga umadda Soomaaliyeed.

Previous articleWar Deg Deg ah:Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo Gacanta Ku Dhigay mid kamid ah Saraakiisha Sar sare ee Alshabaab
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo kasoo Guuraaya Dhuusamareeb kadib Fashil uu kala Kulmay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here