Home Wararka Caalamka MW Chechnya oo wacad ku maray inuu hooyadii uga aargudayo Maraykanka

MW Chechnya oo wacad ku maray inuu hooyadii uga aargudayo Maraykanka

0

Madaxa Jamhuuriyadda Chechnya ee Ruushka, Ramzan Kadyrov, ayaa uga digey Maraykanka inuu la kulmi doono ciqaab adag haddii uusan cunaqabateynta uu saaray ka qaadin hooyadiis.

Washington ayaa waxay kusoo rogtey xayiraad dhaqaale iyo xayiraad dhanka socdaalka ah Aymani Kadyrova iyo dhowr qof oo kale oo Ruush ah iyo hay’ado kale 24-kii Agoosto, oo ku beegan marka ay Ukraine u dabaaldageyso Maalinta Madaxbanaanida.

Kadyrov hooyadeed ayaa la cunaqabateeyey sababtoo ah waa madaxa hay’adda Akhmat Kadyrov Foundation, oo Maraykanku ku andacoonayo inay ku lug lahaayeen “dib-wax-u-baridda” carruurta Ukraine ee uu Ruushku kasoo qafaalay aagga dagaalka Ukraine.

Qoraal uu soo dhigay Telegram, Kadyrov, oo isaga laftiisu ku jira liiska madow ee Maraykanka iyo EU, ayaa sheegay in xannibaadaha ka dhanka ah “hooyaday qaaliga ah” ay naxdin ku noqotay xitaa isaga, inkasta oo uu la qabsaday “cunaqabatayn aan macquulka ahayn iyo go’aannada Maraykanka iyo reer Galbeedka”, sida uu yiri.

Dunida oo dhami way og tahay inay hooyadeey ku howllan tahay howlo samafal ah,” ayuu yiri.

”Aymani Kadyrova ayaa kaliya lagu ciqaabay sababtoo ah waa hooyadeey,” ayuu yiri Kadyrov, sababtaas awgeed ayuu daba dhigay, “go’aanka Maraykanka waxaa loo arki karaa oo kaliya inuu yahay mid ula kac ah oo aan ixtiraamaynin dhammaan xeerarka anshaxa.”

Previous articleGalmudug oo amaro ka dhan ah Alshabaab kusoo rogtay Ganacsatada Galmudug
Next articleGudoomiye Madaale oo Shacabka Gobalka Banaadir Baaq ku aadain Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here