Home Wararka Somaliya Puntland Nasra oo muddo Ka Badan Bil la weysnaa iyo meydkeeda oo laga...

Nasra oo muddo Ka Badan Bil la weysnaa iyo meydkeeda oo laga dhex helay hawd iyada oo uu ag yaallo jeeg caano ay ku sidday

0

Gabadh yar oo da’deeda lagu sheegay sagaal sano jir in ay ahayd isla markaana la la’aa nolol iyo geeri muddo bil ka badan ayaa meydkeeda laga helay meel miyi ah oo u dhow degmada Xarfo ee gobolka Mudug.

Gabadha oo ehelkeedu sheegeen in ay habowday ayaa muddo laga baadi goobayay dhulka howdka ah, iyado raadinteedana ay ka qayb qaateen boqollaal dad iyo gaadiid ah oo isugu jira ehelo iyo laamaha ammaanka ee deegaanka.

Gabadha yar oo lagu magacaabayay Nasro Cabdillaahi Aadan ayaa xilliga ay habaabeysay sidatay jeeg ay caano ku jiran oo loogu dhiibay guri ehelada ah oo aan aqalka ay joogtay ka fogeyn balse ay hareer martay.

Ugu dambeyn waxaa soo helay ama arkay nin geel- baadigoobayay kaas oo ugu dambeyn dhawaaqa geerida ee Nasra soo gaarsiiyay ehelada iyo maamulka deegaanka.

Dadkii halkaa tagay waxaa ka mid ahaa Xasan Maxamed Cilmi (Dhiidhaco) oo ah taliyaha saldhiga Xarfo ee Puntland waxaana uu markii horeba kamid ah dadkii raadinayay Nasra muddada ay maqneyd isaga oo BBC-da uga warramay wixii ay soo arkeen.

“Hawdka lagasoo helay meydka gabadha waa meeshii ugu dambeysay raadkeeda, anaguna waan ka raadinnay ilaa shan boqol oo qof wey galeen hawdkaas balse cid Meesha ay taallay weli tiri waan maray ma jirin, agagaarradeeda oo dhan waalla maray oo laga raadiyay oo ugu dambeyn geel-jirahan ayaa soo arkay”, ayuu yiri taliye Dhiidhaco.

Taliyuhu waxa uu sheegay in uu kusoo war geliyay laamaha ammaanka iyo ehelada intii uu yaqaannay maadaama ninku uu ahaa qof deggeen deegaanka isla markaana ogaa gabadha maqan ee la baadi goobayay.

“Meesha waxa aan ugu tagnay meydkii gabadha oo kala daatay iyada oo qalfoof noqotay waxa ay Meesha taallay in kabadan bil, waxa saarnaa dharkeediiwaxa saarnaa dharkeedii waxaana ag yaallay jeeggii caanaha ee ay la habowday”, ayuu sii raaciyay Xasan Maxamed Cilmi (Dhiidhaco) taliyaha saldhiga Xarfo ee Puntland.

Waxa uu tilmaamay in meeshu ay tahay hawd ciriiri ah isla markaana ay gawaarida dhigteen meel ka yara durugsan halka uu yaallay meydka Nasra Cabdillaahi oo ay gudaha hawdka ku lugeeyeen taas oo ay adkeyd in si caadi ah loogu dhex socdo.

Aabbaha dhalay Nasra oo BBC-da la hadlay ayaa laftiisu sheegay in baadi goobka gabadhu uu in muddo ah socday balse ugu dambeyn ay heleen warka ah in lasoo arkay meydkii gabadhiisa.

Waxa uu sidoo kale faah-faahin ka bixiyay sababta keentay geerida gabadha iyo haddii ay jiraan baaritaanno arrinkaa ku saabsan oo la smaeeyay.

“Gabadha yar waxa ay ku nooleyd meel miyi ah, kadib markii caanaha loogu dhiibtay guri kale oo eheladu ay deggenyihiin ayey habowday oo hareer martay gurigii uma maleyneyno in ay jirto sabab kale laakiin kaliya waxa ay u dhimatay harraad iyo gaajo”, ayuu yiri aabbe Cabdillaahi Aadan.

“Laamaha ammaanku waxa ay sameeyeen baaritaanno marka lagu daro wixii lasoo arkay iyo halka uu ku dambeeyay raadka gabadha ma jirto sabab kale oo inoo muuqata”, ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale waalidka Nasra waxa ay sheegeen in aysan jirin wax xanuun ah ama mid jireed ama mid dhimirka ahba oo ay ku ogaayeen in aysan jirin isla markaana ay caafimaad qabtay.

Dhinaca kale Xasan Maxamed Cilmi (Dhiidhaco) taliyaha saldhiga Xarfo ee Puntland waxa laftiisu sharraxay baaritaannada ay ku sameeyeen il aiyo haatan geerida Nasra Cabdillahi Aadan oo sagaal jir ahayd.

“Gabadhu waxa ay ahayd ilmo habaabay wadankuna hadda dhibaato amni kuma ogin, laakiin Meesha ay ku habowday ayaa ahayd hawd ciriiri ah oo aysan sahlaneyn in si fudud looga helo, Bacaadweyn Burtinle Galkacyo iyo meelo badan ayaa lagasoo gurmaday oo lawada raadiyay laakiin waxaa qorneyd in hadda lahelo”, ayuu yiri Taliye Dhiidhaco.

Nasra sida uu sheegay aabbihii dhalay waxa ay ahayd gabadh yar oo ku dhalatay kuna kortay miyiga isla markaana aan helin waxbarasho iyo fursadaha kale ee nolosha magaalada walow ay da’deedu aad u yareyd.

Previous articleAbiya Axmed oo Baarlamaankiisa Ka Hor Sheegay inuusan Badda Soomaaliya Ka Laaban Doonin
Next articleIsrael oo qiratay Saraakiil iyo askar looga laayey Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here