Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Nin Walaalkiis Ka Yar Si Arxan Dara ah ugu dilay Baladweyne

Nin Walaalkiis Ka Yar Si Arxan Dara ah ugu dilay Baladweyne

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in xalay dhacdo argagax leh ay ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaais, taas oo ay dadka deegaanka si way uga argagaxeen.

Dhacdada ayaa timid, kadib markii wiil kamid ah dadka deegaanka uu si arxan darro ah u dilay walaalkiis ka yar, taas oo ka dhacday xaafadda Howlwadaag ee magaaladaasi.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sharmaake Muuse Saxanjadiid, halka eedeysanaha dilka gaystay lagu magacaabo Cabdisalaan Muuse Saxanjadiid.

Labada nin ayaa ahaa walaalo, isku hooyo iyo isku aabe ah, waxaana soo kala dhex-galay muran sababay gacan ka hadal, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in eedeysanaha uu canaananay marxuumka, kadibna uu soo qaatay bir, taas oo sababtay geerida Sharmaarke.

“Dilka ma ahayn ula kac ma ahayn, canaan ayuu ka dhashay, canaantii ayaa fogaatay kadibna birta wax lagu qodo ayuu afka jug uga siiyay, gudaha ayayna u gashay, sidaas ayuu ku dhintay marxuumka” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo la wareystay.

Wararka ayaa intaas ku daray in labada wiil uu aabahood dhowaan geeriyooday, isla markaana uu falkan dhacay, ayada oo weli ay aasaay saaran tahay hooyadood.

Laamaha ammaanka Beledweyne ayaa haatan wada baaris ku aadan falkaasi iyo soo qabashada eedeysanaha, si sharciga loo horgeeyo.

Dilkan argagaxa leh ayaa waxa uu qeyb ka noqonayaa dhacdooyinka la yaabka leh ee asbuucyadii lasoo dhaafay ka dhacayay dalka, qaybo badan oo kamid ah dalka, waxaana u dambeysay shalay oo hooyo ka xanuunsan dhimirka ay laba carrruur ah oo ay dhashay ku gowracay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Previous articleMaxaa lagu heystaa gabadha Ilhaan Cumar oo laga joojiyay jaamacaddii ay dhiganeysay?
Next articleHoggaamiyaha garabka siyaasadda ee ururka Xamaas Ismaaciil Haniyah oo booqasho aan horey loo shaacin ku tagay dalka Turkiga(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here