Home Wararka Maanta Qarax ka dhacay guriga uu degnaa Guddoomiye Nuux Xasan iyo Khasaaro ka...

Qarax ka dhacay guriga uu degnaa Guddoomiye Nuux Xasan iyo Khasaaro ka dhashay

0

Qarax dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay guri kuyaalla degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo, gurigaas ayaana la sheegay in uu degnaa guddoomiye kuxigeenka labaad ee degmadaasi.

Sida aan wararka ku helay qarax miino ayaa lagu xiray guriga uu degnaa guddoomiye kuxigeenka degmada Buurdhuubo Nuux Xasan Daa’uud, qaraxa ayaana la sheegay in uu dhacay xilli uu gurigiisa ku sugnaa guddoomiye Nuux.

Inta la xaqiijiyay labo wiil uu dhalay guddoomiye kuxigeenka degmada Buur-dhuubo ayaa qaraxa ku dhintay, waxaana ku dhaawacmay qaraxa guddoomiyaha guriigisa qaraxa lagu xiray iyo wiil kale oo daris la ahaa.

Ciidamo katirsan dowladda oo ku sugan degmada Buurdhuubo ayaa gaaray guriga qaraxa ka dhacay, waxa ayna ciidamada sameeyeen baaritaano aan lagu soo qaban dadkii qaraxaasi ka dambeeyay.

Previous articleEng.Ghassan Abdallah oo 20 Sano Kadib Xabsiga Guatanamo Bay laga sii daayay
Next articleGudoomiye Xaad oo sheegay sababta loo xoreyn waayey dhulka beesha Murusade

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here