Home Wararka Maanta Safarkii Spain ee Liibiya isku baddelay: Sida gabadhan Soomaaliyeed uu u...

Safarkii Spain ee Liibiya isku baddelay: Sida gabadhan Soomaaliyeed uu u khiyaanay magafihii u ballan qaaday inuu Spain geynayo

0

Aabe Soomaaliyeed oo gabadhiisa magafe ku haysta Libya ayaa BBC-da la wadaagay sida gabadhiisa loogu khiyaamay tahriibka.

“Gabadheyda dad magafayaal ah oo Nairobi joogo ayaa tashkiiliyay waxaana lagu yiri cidna hala wadaagin waxaa lagu geynayaa Spain. Waxay u sheegeen in baasaboorka Soomaaliga uu hirgalay oo shaqeynayo sidaa darteed waxaa lagu marinayaa Morooko ka dibna Spain.”

Aabahaan ayaa sidoo kale sheegay in gabadhiisa ay mukhalasiinta ku yirahdeen afar kun oo doolar baa laguu geynayaa Spain markaas ka dib uun waalidkaa lacaga rabaa inta ka horreysana anaga ku kharash gareyneyna.

Hase yeeshee nasiib darro qorshihii ma uusan noqon sidii ay mukhalasiinta ku qanciyeen aabahaan gabadhiisa oo arrintii weji kale ayay yeelatay oo waxaa safarkii Spain uu ku noqday Libiya.

13-kii bishii labaad ee sannadkan ayaanu weynay gabadheena waxaan ku bilownay baadi-goob si aan u helno balse maalinkii afaraad ayay na soo wacday waxayna igu tiri ‘aabe waxaa markii hore noola sheegay in Morooko la ii wado balse waa nagula daba-geddiyay waxaana noola sii wadaa Libya maxaabiis baanu nahay,’ intaas ayay soo gudbisay” ayuu yiri aabahan ka gaabsaday inuu magiciisa sheego.

Waxa uu sheegay in magafeyaashii uu la hadlay ayna ku heshiiyeen in lacag 7 kun oo doolar inuu bixiyo si gabadhiisa dib loogu soo celiyay oo ay South Sudan geeyaan hase yeeshee waxa uu BBC-da u sheegay in markii ay lacagta ka qaateen ay ku yirahdeen 14 kun oo kale ay ka rabaan gabadhiisana ay Libiya Joogto oo aan dib loo soo celin karin.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay u soo direen muuqaal iyadoo la jirdilayo ah si ay lacagta uga bisleystaan.

Hadda waxa uu sheegay in muddo afar maalmood laga joogo ka hor ay habeen iyo maalinba ay la soo hadashiinayeen balse hadda uusan war ka haynin oo xiriirkoodii uu go’ay.

Dhacadada aabahan haysata ayaa ku soo begmeeysa iyadoo shalay ilaa 200 muhaajiriin ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur laga sii daayay magaalo ku taalla koofur-bari Libya oo lagu heystay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada dalkaas.

Walid Alorafi, oo ah afhayeen u hadlay Waaxda Baaritaanka Dembiyada (CID) ayaa isagoo ku sugan Benghazi sheegay in sida ay kasoo xigteen qaar ka mid ah muhaajiriinta, qafaal ahaan loo heystay muddo toddoba bilood ah ayna “doonayeen inay aadaan Yurub.”

Muhaajiriintan ayaa kasoo jeeda dalal dhowr ah oo ku yaalla kuwa ka hooseeya Saxaraha Afrika, balse badankood waxay kasoo jeedaan Soomaaliya, sida uu sheegay Alorafi.

“Waxaanu xalay weerar ku qaadnay meel qarsoodi ah oo ku taalla tuulada Kufra waxaana aragnay muhaajiriin ay ku jiraan haween, carruur, iyo rag da’ ah oo ay ka muuqdeen calaamado jirdil iyo rasaas,” ayuu yiri Alorafi.

Xogahayaha labaad ee safaaradda Soomaaliya ee Libya Ibrahim Maxamed Maxamuud oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in ilaa 200 oo qof oo u badan Soomaali iyo Itoobiyaan laga soo badbaadiyay koox loo yaqaanno ‘Magafeyaal’.

“Tirokoob rasmi ah ma jiro sababtoo ah weli hay’adaha ma gaarin halka laga soo badbaadiyay welina waxay ku jiraan gacanta laamaha ammaanka, welina waan ku daba jirnaa inaan helno tirokoob sax ah,” ayuu yiri.

Wuxuu xusay in dadkan haatan ay gacanta ku hayaan ciidamada welise aan la ogeyn halka dhabta ah ee lagu hayo.

Muhaajiriintan ayuu sheegay inay u badan yihiin haween, ayna jiraan weli dad kale oo ku xiran goobo kale oo Libya ka mid ah.

“Waxaa nala soo xiriira waaliddiinta muhaajiriinta oo ina siiya nambarradooda annagana waxaan u gudbinnaa laamaha ammaanka si dadkaas loo soo badbaadiyo,” ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray in hore sidan oo kale loo soo badbaadiyay tahriibayaal ah heysteen kooxdan.

Kufra waxay ilaa 1,712 kilo mitir (1,064 meyl) u jirtaa caasimadda Tripoli.

Libya ayaa marin u noqotay muhaajiriinta ka qaxeysa dagaalka iyo saboolnimada ee u socda Yurub iyagoo sii maraya marin halis ah oo saxaraha ah iyo badda Mediterranean-ka kadib markii xukunka laga tuuray Muammar Gaddafi sanadkii 2011.

Previous articleBaadi goob Dheer ka Dib ninkii Dilay Ismaaciil Yuusuf Axmed oo Gacanta Lagu soo Dhigay
Next articleMaamulka Puntland oo ka horyimid go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya Dalka kaga Saarayso UNSOM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here