Wararka ka imaanaya degmada Yeyle oo ka tirsan Gobolka Sool ayaa sheegaya in Somaliland ciidamo soo dhoobtay duleedka degmadaasi.
Dadka degaanka ayaa ku soo warramaya in durba dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul laga dareemayo tuulada Buq-dharkayn, oo ay saldhig ka samaysteen ciidamada Somaliland.
Taliska Somaliland ayaa sidoo kale weli sii wada abaabulkii dagaal ee ka socday dhinaca degmada Oog, halkaas oo ay ku diyaarinayaan maleeshiyaad hubaysan si ay weerar rogaal-celis ah ugu qaadaan ciidamada SSC.
25-ka bishii Agoosto ayaa ciidamada Somaliland khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu soo gaarsiiyay weerar ka dhacay saldhigyadii ay ku lahaayeen Gooja Cadde iyo Maraaga, kuwaas oo laga qabsaday.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa toddobaadkii hore sheegay in ay ka aar-gudan doonaan xoogagga SSC-Khaatumo ee ciidamada Somaliland ku jebiyay dagaalkii Laascaanood.