Home Wararka Caalamka Tobanaan qof oo mas’uuliyiin ay ku jiraan oo ku dhintay dagaal ka...

Tobanaan qof oo mas’uuliyiin ay ku jiraan oo ku dhintay dagaal ka dhacay Mudug

0

Wararka ka imanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal qaraari uu shalay ka dhacay meel u dhaxaysa Wisil iyo degaanka Shabeelow oo ay dhowaan qabsadeen ciidamada dawladda iyo kuwa degaanka.

Dagaalka ayaa dhexmaray ciidamada degaanka iyo maleeshiyada al-Shabaab.

Laba ilo wareed oo la hadlay Idaacadda VOA, oo codsaday inaan magacooda la sheegin maadaama aan loo oggolayn inay warbaahinta la hadlaan, ayaa sheegay inay dagaalkan ku dhinteen tobannaan qof oo dhinacyada dagaalamay ah oo ay ku jiraan ilaa 30 ka mid ah ciidamada degaanka.

Dadka dhintay ayaa la sheegay inay ku jiraan saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan magaalada Gaalkacayo.

Dagaalka ayaa dhacay kadib markii ciidamo kuwa degaanka ah oo ay la socdaan saraakiil kala duwani, ay u socdaaleen goob taag ah si ay u helaan khadka telefoonka oo ay ku hadlaan, hase yeeshee waxaa dhexda u galay al-Shabaab.

Ciidan gurmad ah oo u tagay iyo al-Shabaab ayaa waxaa dhexmaray dagaal qaraar, taasi oo keentay dhimasho kale.

Dagaalkan ayaa la sheegay in gabalku dhacay iyadoo la is weydaarsanayo rasaaas culus.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay dagaalkan ku dileen 58 qof, sheegashadaas oo aan si madax-bannaan loo xaqiijin.

Xigasho voa somali

Previous articleJubland oo ka Hortimid Qorshe uu Watay Madaxweyne Xasan Shiikh
Next articleKenya oo Safiiro u kala magacowday Muqdisho iyo Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here