Home Wararka Maanta Waqtiga la qabanayo doorashada kursiga uu baneeyay RW Xamsa oo la shaaciyey

Waqtiga la qabanayo doorashada kursiga uu baneeyay RW Xamsa oo la shaaciyey

0

Guddiga KMG ah ee doorashada ayaa shaaciyey Jadwalka doorashada kuriga tirsigiisu yahay HOP#203 oo dhowaan lagu qabanayo magaalada Kismaayo.

Kursiga HOP#203 ayaa 28-kii December 2021, doorasho ka dhacday Magaalada Kismaayo, waxaa ku soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo doorashada helay 69 cod halka musharaxii la tartamay oo ahaa Axmed Maxamed Maxamuud helay 17 cod 15 Cod ayaana halaabay.

Wafdi uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo oo ah xarunta KMG ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland si ay u qabtaan doorashada kursigaas.

Previous articleMaraykanka oo War kasoo Saaray Duqaymo uu Ka Fuliyay Galmudug
Next articleWararkii ugu dambeeyey tirada Soomaalida ku dhimatay dhul-gariirka Turkey oo korortay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here